Wasiirka Ciyaaraha Oo Xadhiga Ka Jaray Garoon Casri Ah Oo Laga Furay Magaalada Laascaanood+Sawiro

Sool(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somalilnad Md. Yuusuf Mirre Maxamed (Boos) ayaa xadhiga ka jaray garoonka kubadda cagta ee Cabdi Bille Stadium, kaas oo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ay dhigtay doogga sanaaciga ah sidoo kalena ay dayac-tir balaadhan ku sameysay.

Waftiga Wasiirka oo ay ku wehelinayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Siyaasi Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Mr. Maxamed Nuux Jibriil, Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Kubadda Cagta Mr. Samatar Maxamed Cabdilaahi iyo Guddoomiyaha Garsoorka ee Xidhiidhka Kubadda Cagta Mr. Khadar Jiilaal Jaamac.

Ugu horen, waxaa munaasibaddii furitaanka ka hadlay
Isu-duwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Sool Mr. Fu’aad Axmed Cali, waxaana uu ku war bixiyey dayac-tirka lagu sameeyay garoonka iyo doogga sanaaciga ah ee lagu goglay. Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay kana warbixiyey marxaladdii kala duwanaa iyo doorkii shaqo ee ay ka gobol ahaan iyo ka degmo ahaan ka geysteen Badhasaabka Gobolka Sool Md. Cabdi Kheyre Dirir iyo Maayarka Degmadda Laascaanood Md. Cabdicasiis Xuseen Taarwale.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye),waxaana uu xusay in garoonka kubadda cagta ee Cabdi Bille Cabdi uu yahay garoonkii 4-aad ee xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo ay ka hirgeliso dalka kuwaas oo kala ahaa Hargeysa, Borama iyo Gabiley. Sidoo kale waxa uu xusay in garoomadda waa weyn ee Burco, Berbera iyo Ceerigaabana ay dhex yaalaan dooggii la dhigi lahaa, isla sannadkan ay dayac-tiro ku sameyn doonaan.

Siyaasi Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo ka mid ah shakhsiyaadka saameynta weyn ku leh Gobolka Sool oo isaguna munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay inuu ka mid ahaa guddidii uu bilawgii garoonka uu Madaxweyne Siilaanyo magacaabay, waxaana uu dhallinyarada gobolka Sool ugu baaqay inay xukuumaddii hore ee Siilaanyo ay dhallinyarta Gobolka Sool wax baddan u qabatay, ta cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi ay wax intii hore ka baddan ay uu qaban doonto, sidaas darteedna ay ka dhallinyaro ahaan wixii loo qabtay ilaashadaan dedaalna ay la yimaadaan.

Orod yahankii caanka ahaa ee Cabdi Bille Cabdi oo loogu magac daray garoonkan kaas oo munaasibadda xadhig ka jarista ka soo qeb-galkeeda uga yimid waddanka ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay hadal mahad-naq u badnaa. Cabdi Bille Cabdi ayaa xusay inuu aad ugu faraxsan yahay in loogu magac darro garoonka kubadda cagta ee Magaaladda Laascaanood, waxaana dhallinyarta reer Sool ugu baaqay inay dedaal la yimaadaan ay ilaashaad garoonka.

Ugu dambeyntii, waxaa halkaasi ka hadlay sidoo kalena xadhiga ka jaray garoonka kubadda cagta ee Cabdi Bille Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somalilnad Md. Yuusuf Mirre Maxamed (Boos), waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Ugu horeyn, Maanta farxad ayay ii tahay in ka wasiir ahaan aan noqdo masuulkii ugu horeeyay ee xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka mid ah ee Gobolka Sool yimaadaa kaas oo mashruuc waxtar weyn leh xadhiga ka jaray, ka gobol ahaan iyo ka degmo ahaana waxaan salaan idiinka sidaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Runtii waxaan odhan karaa gobolka Sool wuxuu nasiib u yeeshay inuu ka horeeyo gobollada Togdheer, Saaxil iyo Sanaag oo iyagana sannadkan garoomadooda sidan oo kale looga shaqeyn doono. Waxaan kale oo aan ku faraxsanahay in uu maanta halkan inala joogo orod yahankii weynaa ee gobolkan iyo dalkeenaba u dhashay ee Cabdi Bille Cabdi oo aynu garoonkan ugu magac darnay. Cabdi Bille isaga oo qurbaha jooga ayaan Email u diray una sheegay inuu ka soo qeyb-galo munaasibadda furitaanka garoonka, isla markiiba wuu iga soo jawaabay fariintaydii oo si sharaf leh ayuu noo soo ajiibay waanan uga mahad-naqayaa. Waxaan dhallinyarta gobolka Sool ugu bushaareynayaa in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay wax baddan ka qaban doonto arrimaha ciyaaraha iyo dhallinyarada, taas oo uu hore idiinku ballan-qaaday hadduu Alle idmana sida ugu dhakhsaha baddan ayaad u arki doontaan. Waxaan runtii u mahad-naqayaa xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo oo isla Xisbiga KULMIYE ah oo iyadu bilow ilaa dhammaad lahayd garoonka wax-ka-qabashadiisa, Badhasaabka Gobolka, Maayarka Degmadda, cidkasta oo gacan ka geysatay haday noqoto ganacsatada gobolka iyo bulshaddaba iyo Isu-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Sool Mr. Fu’aad oo runtii aan odhan karo muddadii koobneyd ee uu joogay dedaalkii iyo kartidii uu layimid qeyb weyn ayay ka tahay in munaasibaddan qurxoon ee aynu xadhiga kaga jareyno ma dhacdeyn, waxaanan leeyahay guud ahaan dhallinyarada gobolka iyo degmaddaba ilaashada garoonka” ayuu hadalkiisi ku soo gaba-gabeeyay Wasiir Boos.

Gabiley News Network