Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Mudooyinkii u Dambeeyey ku Hawlanayd Diiwaangelinta iyo Tayeynta Shaqaalaha Oo Kulan Muhiima La Yeeshay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Hay’adda Shaqaalaha Dawladda oo Mudooyinkii u dambeeyey ku hawlanayd diiwaangelinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda ayaa kulan la yeelatay gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Md. Aadan Xaaji Cali Axmed

– Intii kulanku socday waxaanu gudoomiyaha uga mahadcelinay gacantii wanaagsanayd ee uu ka gaystay intii lagu jiray diiwaangelinta shaqaalaha maxkamadaha hoose (degmada, gobolka iyo racfaanka) iyo maxkamada sare ee dalka

– Shaqaalaha ka hawlgala Maxkamaddaha hoose iyo Maxkamada sare ayaa marka laga reebo garsoorayaasha iyo xeer-ilaliyeyaasha ah shaqaale dawladeed “Civil Service” kuwaas oo lagu dhaqo Sharciga shaqaalaha dawladda Sharci Lam. 7/96

– Gudoomiyaha ayaa dhankiisa xusay sida uu ugu faraxsan yahay hawl-qabadka tirinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda isagoona tilmaamay qiimaha ay leedahay in la helo shaqaale tartan furan shaqada ku soo gala isla markaana tayo sare la gaadhsiiyo taasina ay horseedi karto in ay adeeg hufan shacabka gaadhsiiyaan.

– In shacabku dalku helaan caddaalad sharci, shaqo iyo u sinnaan khayraad waa hiigsiga iyo halbeegga kaliya ee dal u daadihin kara horumar iyo kaalin la mahadiyo.

– Illaahay fadligii waxaa soo dhammaaday diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ku sugan xarumaha dhexe iyadoona imika gacanta lagu hayo shaqaalaha hoos yimaada gobolka Maroodijeex, Insha Allah-na dhawaan gobol kale laga bilaabi doonno.

.Waxaa soo bidhaamaya bilowga shaqaale sharaf leh, adeeg raaligelin leh iyo shaqo shuruud leh.