“Waxa aanu xalay 12:00AM “Habeenimo” Kormeer ku tagnay xarunta jar’aaidka Dawladda ee Dawan si aanu u hubino Sugnaashaaha Shaqaalihii is-diiwaangaliyey”..Gudomiye Sharmaake.

Iyadoo mudooyinkii u dambeeyey Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku hawlanayd tirinta iyo tayeynta shaqaalaha dawladda isla markaana ay hubinaysay runimada shaqaalaha shaxda mushahaar bixinta dawladda “Payroll” ku jira , ayaa waxaa si toos ah meesha uga baxay:
1- Qofkii laba meelood ka mushahaar qaadan jiray
2- Qofkii magac ahaan uun payroll-ka ugu jiray balse aan isagii ahayn ee dhintay ama dhoofay
3- Qofkii magac aanu lahayn ku mushahaar qaadan jiray

– Imika ahaan waxaanu ku daba-jirnaa qofkii is-diiwaangaliyey balse aan goobta shaqo ku sugnayn , kaasi oo aanu ka wada shaqayn doonno hay’adda iyo agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha si qofku ama u shaqeeyo ama shaqo-doonka ugu baneeyo.

– Xalay ayaanu bilownay, waxaanan hubin doonnaa in qof walba joogo xarunta uu imika ahaan isku diiwaangliyey

– Waxaanu dhawaan bilaabi doonnaa kormeerada xarumaha dawladda, dugsigayada, xarumaha caafimaadka iyo goob walba oo shaqaale joogo

Bilowga daba-galka iyo dardargelinta shaqaalaha dawladda.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Mardhow.