Kormeerka Diwaangalineed Ee Haayada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Gaadhay Degmada Xaaji Saalax iyo Deeganada Ku Xeeran.

Burco(GNN):-Maamulka iyo Saraakiisha Sarsare Ee Hayaada Shaqaalaha Dawlada Somaliland Ayaa Gaadhay Deegaano Kala duwan oo Ka Tirsan Gobolada Hawd.
– Ma-daalayaasha xoq-qabadka ku hawlan ayaa mardhawayd soo gaadhay degmada Xaaji-Saalax oo Oodweyne u jirta in ku simman 120Km isla markiina horay ka bilaabay diiwaangelinta shaqaalaha degmada ku suggan.

– Shaqaalaha dawladda ayaa meel fog loogu yimi iyadoo daal iyo duruuf walba ka waabin wayday in xogtooda iyo xaalkooda lasoo ogaado, waxaana lagu waraystay dhago laab u daloola.

– Hawl-wadeenadan ayaa u sii dhaafi doonna deegaamada Duruqsi, Dhoqoshay iyo Balli-dhiig halka wafti kalena ku jihaysan yahay deegamada kale ee Qoryaale, Qurulugud , Buuhoodle iyo Widhwidh

Diyaar garow, duruuf walba, daal kasta iyo deegaan walba wa tubta loo maro dal dadkiisa dib loo habaynayo.