Daawo-Ciidmada Dawlada UAE Oo Tababaro Iyo Caawimooyin Dhinaca Caafimaadka Ah Siin Jiray Maamulka Muqdisho Oo Maalintii Saddexaad Kasii Qulqulaya+Arrimaha Keenay Inay ka Baxaan.

Hargeisa(GNN):-Ciidamada Dawlada Imaaraadka Carabta Ee UAE Ayaa Maalintii Saddexaad Waxay kasii Qulqulayaan Dhammaanba Saldhigyadii Ay Ku lahaayeen Gudaha Magaalada Muqdisho.
Bixitaanka Ciidanka Dawlada UAE Ee Tababarada iyo Caawimooyinka Dhinaca Ciidamadda ah Siin jiray Maamulka Dawlada Xamar Ayaa Waxaa Ay Dawlada UAE Si Cad War uga Soosaartay In Ay gabi ahaanba Ka Baxayaa dhammaan Agabkii iyo Ciidamadii Dalkaasi ee Ku Sugnaa Magaalada Muqdisho, Waxaanay Ku Sababeeyeen Ka bixitaankooda Kadib markii Dawlada Somalia Ay Awood Kagaga Qaaday Lacag Dhan 9 Milyan Oo Dollar oo Madaarka Aadan Airport Ay kala Soodageen Saraakiil ka Socoday Dawlada UAE. Waxaana Ay Dawlada Somalia Arrintaa Kagaga Jawaabtay inaan lasoo Ogaysiin dacwada in lacagtaasi Lacag Qaaday Saraakiil Ka Socoday Dawlada UAE oo Saldhigoodu yahay Magaalada Muqisho ee Caawiya Ciidamada Somalia.
Halkan hoose Ka Dhegayso Warbixinta Warkan oo Dhammaystiran.