Madaxwaynaha Maamulka Puntland oo Safar Ugu Anbabaxay Imaaraadka Carabta Waqti Ay Somalia iyo Imaaraaku Kala Guranayaan Xamaanta  

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Cabdiwali M. Gaas ayaa ka anbabaxay garoonka diyaaradaha magaaalada Bosaaso isagoo ku sii jeeda magaalada Abu Dabai ee xarunta Isutagga Imaaraadka Carabta.

Gaas ayaa sheegay in uu kulan la qaadan doono Madaxda Imaaraadka Carabta, islamarkaana uu kala hadi doono arrimo ay ka mid yihiin tayeynta ciidamada Booliska Badda Puntland oo ay Mushaar siiso dowladda Imaaraadka carabta iyo sidoo kale horumarinta Puntland.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli xiisad ba’ani u dhaxeyso maamulka Somalia iyo dowladda Imaaraadka Carabta, islamarkaana dowladda Imaaraadka ay joojisay tababaradii ciidamada maamulka Somalia.