Madaxweyne Muuse oo Tacsi u Diray Ciidanka Ilaalada Xeebaha

Warsaxaafadeed:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee hoggaankii tababarka ee ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, Gaashanle DhexeMarxuum Cabdi Cabdilaahi Warfaa (Cabdiweli) oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu ahayd 13/04/2018, shil gaadhi oo ka dhacay tuuladda Xamaas oo u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, ka dib markii ay isku dhaceen laba baabuur.

Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale tacsi u dirayaa hal qof oo ku dhintay isla shilkaasi, ka dib markii ay isku dhaceen laba gaadhi oo midi yahay bass iyo gaadhiga siday gashaanle dhexe Cabdiweli, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u ducaynayaa inta ku dhaawacan tahay shilkaasi isagoo Alle uga baryaya inuu caafimaad taama siiyo kana kiciyo dhaawaca soo gaadhay dadkaasi.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiinta Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee ay ka baxeenna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.