Taariikhdu Qarin mayso ilaahayna Qadin maayo Soomaalida Itoobiya /////// Qalinkii Abdisataar Sabri Sabri View

Goobtu waa Jigjiga , Goluhu waa Barkulankii Sayidka Oo si layaab leh Loo bilay, Wakhtigu waa xalay, waa Gogol Xariira oo loogu dabaal degeyay Gaafka aqalgalka Aroos Wadareed Taariikhi ah Waxaa isku calmaday Oo Calaf iyo Nasiib isku Daray Xigaal Isu ololay oo ay dhif iyo naadir tahay in Tabtan iyo tu lamida AY Suurta gasho in reerahani ku xididaad

Dadka laysu Hibeeyay iyagoo Dookh iyo Jacayl Damac iyo Dareen Marka ay joogto la kala Dadnaa la kala didsanaa iyadoo Daris layahay oo isku Daarad lagu barbaaray oo isu Diin, Dawlad, Dal iyo Dad layahay ayaa Haddana laKala Durugsanaa Dabeecad iyo dhaqanba hasayeeshee DDSI Amar alle Caadadaa Soo jireenka ah waxay udejiyeen qorshe ay mustaqbalka dhaw kusoo Afjaraan Talaabadanna waxay ka dhigan tahay Kadabatag fiican oo bilaw ah sababtoo ah hadeerba iyagoo xor ah ayay isdoortay oo is xusheen Xaasaawe hodan isku Weheshadeen, waa markii uhoraysay Jiidaas DDSI laba qof oo Guurka isku nebcaa ay isdamaaciyaan, oo ay Dan isku qanciyaan ,

Dabar baa go’ay Laba laba ayaa laysku raacay laysu haleelay Fekerka jacaylka ayaa Qaluubta Dadkan is helay Sida roobka maasheeyay , Nuxurka sheekadu waa Laba aan is dayi jirin oo isgayijirin sababo jiray dartood ayaa hadda kadib istuhmaya oo is daydayaya, is ugaadhsanaya, isla jaanqaadaya oo darmo guri kuwada dekayndoona …..

Inkastoo in badan oo dad soomaaliyeed ah aan arkay oo uriyaaqday Dhacdadan iskastoo aan arkay Dad Badan oo Soomaali ah oo aad moodo Caadifad hadalkooda in dayrkii Makka lagu lagubay,

Si kastaba ha ahaatee waxa jigjiga ka dhacday Waa Gobonimo Xaruuriya Oo xuskeeda xasuusteeda lamadaba mudan Waa Dareer Yididiilo nololeed geliyay Dad Badan oo lagaasiray ama aan is Gobeyn sidoodaba

Aan kusoo noqdo Xafladii arooska iyo siday udhacday Habeenkii Xalay, Waxay ahayd Munaasibad Heer sare ah Madax iyo Oday Rag iyo Haween Waa laysku arkay, guud ahaana Madal Mugwayn oo hawraar murtiyeed mida ugu mudhwayn laga yidhi ayay ahayd hadalkana aad baa lays kugu Ciseeyay, Hab-maamuuska Xaflada arooska waxa ka muuqday Masuuliyad dhaqan ah oo sawrac iyo sinji labadaba leh, Wadartan iskguursatay waxa goobta lagu keenay galbis lug ah. Ragga waxa soo gelbiyay oo hareera socday rag ku lebisan dharka hidaha iyo dhaqanka oo qaadayay shalaad, Gabadhahana waxa soo galbiyay dumar ku balwaynayay
farxadda aqalka cusub nebi amaan,

Madaxweynaha Ismaamulka DDSI Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxda kale ee maamulkiisuba waxay ka mid ahaayeen dadka madashaa fadhiyay ee u ciyaarayay Arooskan loogu wanqalay dib Noolaynta Dunwanaaga Dadnimada laguna baabiinaayay Istakoorida Gayaanka gayiga wada degen ee alle isbaday

Hablo iyo wiilal Beesha gabooye ah iyo Hablo iyo wiilal Beelaha kale ee DDSI ah oo aan isba haybsanjirin dhaqan ahaan marka xaaladu xeelad guur timaado ayuu ugaar ahaa Arooskani Isdhexgalka horseedka u ahi

Waa riyo rumawday oo uu lalabay Geesiga himilada fog leh ee Cabdi Maxamuud Cumar Waa go’aan layaab leh Dhacdo Xus iyo Xasuus leh Suurta gal Maha Xilligan in Hogaamiye soomaaliyeed uu dhaqangeliyo tanoo kale
Waayo Ninkasta oo madax ah waa ku laf dhuun geel gashay

Ilaahay kasokow waxaa Duco iyo amaanba leh libtaas na loo aanaynayaa Hogaamiye Cabdi Maxamuud Cumar

Dhamaan ismaamulada dawlad deegaameed wadan waynaha Itoobiya ayaa dhacdadan laga soo dhaweeyay

Waxaanu leenahay guurkiina lagu farax

By Qalinkii Cabdisataar Cabdilaahi Cali ” Sabri”