War Deg-Dega-Ciidamada Booliska Somaliland Oo Imika Xabsiga U Taxaabay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow.

Hargeisa(GNN):-Ilo Xogogaal ah Oo Hadda Na Soo gaadhaya Ayaa Ayaa Sheegaya In Ciidamada Booliska Somaliland Goordhaweyd Xabsiga Dhigeen Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow, Boqorka Ayaa Wakhtigan La Xidhay Ku Sugnaa Hotel Maansoor ee magaalada hargiesa, Waxaana Arrinta Ka Danbeysay Xadhigiisu Tahay Khudbad uu Maalmo Uun Ka Hor ka Jeediyey Madal lagu Caleemo Saarayey Beeldaaje kasoo jeeda Maamul goboleedka Puthland Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil oo Munaasibad Weyn Loogu Qabtay Xaflada Caleemo Saarkiisa Degmada Carmo,ee Gobolka bari, Ayaa Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo kamid Ahaa Madax-dhaqameedka madasha lagusoo martiqaaday Ayaa Khudbada uu halkaaasi Ka Jeediyey ahayd Mid isugu jirta Talo uu uSoo jeediyey madaxweynaha Somaliland iyo madaxweynenaha maamulka puthland Waxana uu Dul istaagay Inaaney Jirin islamarkaana aaney muuqan Wax Maanta Ciidmada Qaranka Somaliland iyo Kuwa Puthland isku horfadhiyaan, Sidaas darteedna waxa uusoo jeediyey in lakala raro ciidmada Somaliland ee ku sugan Tuko-raq iyo Kuwa Puthlan oo Deegaano aan ka fogayn ku dul wareegaya.
Halkan Ka Daawo Khudbadii Uu Boqor Cismaan Madashaasi Ka Jeediyey.

Sikastaba ha ahaatee hadalkan Boqor Cismaan Aw maxamuud Buurmadow Ayaa Shacabka Reer Somaliland Siyaabo kala Duwan Ay Aragtiyo uga Bixiyeen, Waxaana ay Ahayd Labaddii cisho ee u danbeyey Waxyaabaha Bulshadu Aad Wax isaga Waydiinaysay.
La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha Arrintan.