Wasiirka Biyaha Somaliland..”Ciidanka somaliland Waxa uu Bixinayaa Jawaab Aan La Mahadin Hadii Lagu Soo Xad-Gudbo”

Wasiirka Biyaha Somaliland..”Ciidanka somaliland Waxa uu Bixinayaa Jawaab Aan La Mahadin Hadii Lagu Soo Xad-Gudbo”

Hargeisa(GNN):-Wasiirka wasaarada biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore Ayaa gaadhay deegaanka Tuka-raq oo ka tirsan gobolka sanaag waxaana uu sheegay in ciidanka somaliland markasta Ay u taagan yihiin difaaca qaranimada iyo xududa ay leedahay somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanku intii ay ku sugnayeen deegaanka tuka-raq ay soo celiyeen kala dambayntii iyadda oo waliba markii ugu horaysay laga sameeyay ciidan boolis oo nabad galiyadda deegaanka gacanta ku hayn doono.

Saleebaan Cali Koore oo hadalkiisa ku ladhay hanjabaad ayaa sheegay in ciidanka somaliland sugayaan Markasta wakhtigasta iyo waliba goor Walba xuduudaha somaliland waxaana uu yidhi.

“ciidanka somaliland cidna duulimaad kuma ah siiba cidda ay xuduudaha la leedahay ee ah somaliya,nabad galyo ayuu

Ciidankani hormuud ka yahay,waxaana kale oo uu hormuud ka yahay inuu markasta bixiyo jawaab qaran lakiin marabno inaanu waddanka ka abuurno Nabad galiyo,markasta waxaanu u taaganahay inaanu difaacno Xuduudaha dhuleeda ee somaliland leedahay.

intaas waxa uu ku daray wasiirka biyaha somaliland saleebaan cali koore oo hadalkiisa siiwataa.”waxaan halka ka sheegayaa oon waliba ku cel-celinayaa hadii lagu soo xad-gudbo dhulka somaliland ciidankani waxa uu bixinayaa jawaab adag oo la mahadin doonin,dadka deegaanka waxaan farayaa waxa laydinka doonayaa inaad noqotaan ummad gacmaha is qabsadda.

Gabiley News Network