Daawo Jidka Wayn Ee Dhexmara Magaalada Gabiley Oo Godod Iyo Jeex Jeexyo Isku Badalay Xildhibaano Ka Hadlay Iyo Moganaanta Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Dayactiri Wayday

Gabiley(GNN)Halkani Waa Laamida Soo Gasha Magaalada Gabiley Waxey Waxka Yar Hal Kiilo Mitir Ujirta Magaalada Gabiley Waa Wado Jajaban Oo Sababta Khataro Badan Sida Shilalka Iyo Isku Dhaca Gawaadhida Waana Arin Ay Aad Ula Tacajabeen Dadka Rayidka Ah Ee Isticmaalaya  Laamidan, Gabi Ahaanba Waxey Noqotay Godad Jeexjeexyo Iyo Goobo Biyo Fadhiisina Waxeyna Arqalad Ku Tahay Isusocodka Gaadiidka Iskaga Kala Gooshaya Bariga Iyo Galbeedka Somaliland,Waxana In Ay Dayac Tiraan Waajib Ku Tahay Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Oo Ka Talisa Aagaasi  Balse Waa La Ilaawey  Baaqa Bulshada Ee Ku Aadan Waxka Qabashada Laamidan Dhagba Jalaq Looma Siiyo Waana Arin Tacajibkeedaleh.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Qaar Ka Tirsan Xildhibaanada Golaha Deegaanka Oo Udulqaadan Waayay Arintan Maroora Dilaacaleh Ayaa Iyago Ku Sugan Laamida Godadka Isku Badashay  Waxey  Ka  Dhawaajiyeen  In Gole Deegaan Ahaan Miisaniyada Lagu Darey Hagaajinta Laamidan Balse Dhaqaalahaasi La Lunsadey Waxeyna Dhaliilo Ba,an Uso Jeedinayaan Masuuliyiinta Dawlada Hoose Oo Ayku Tilmaameen Kuwo Ka Gaabsadey La Tacaalida Iyo Hagaajinta Lamidan,

Dirawalada Gaadiidka Mara Wadadan Ayaa Saluug Ba,an Ka Muujiyay Isticmaalka Laamidan Waxeyna Sheegeen In Ay Dhibaato Balaadhan Ku Qabaan Adeegsiga Laamidan,

Si Kastaba Ha Ahaatee Lama Awoodi Waayin In La Dayac Tiro Laamidan Jajaban Balse Waxa Jira Hagrasho Maxa Yeelay Gobolka Gabiley Waa Ilaha Labaad Ee Dhaqaaluhu Kaso Xaroodo Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Ayaa Arintan U Arka Masuuliyad La,aan Ay Muujiyeen Hagayaasha Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley,

 

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEYNEWSNETWORK(Gabiley.Net)

GABILEY OFFICE