Daawo-Madaxweynaha JSL Oo Hambalyada Bisha Barakaysan ee Ramadaanta Shacbiga Fariin U Diray.

Hargeisa(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane  Muuse Biixi Cabdi, ayaa  shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Islaamka ah ku hambalyeeyey curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo la filayo inay caawa bilato.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa ummadda Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo is jacayl ku gaadhaan bishan bisheeda, waxaana uu yidhi, “Waxa  inoo bilanaysa bishii barakaysnayd ee Ramadaan, bishan barakaysan awgeed waxa aan hambalyo u dirayaa ummadda reer Somaliland, gudo iyo dibadba, Ilaahayna waxa aan ka rajaynayaa inuu raxmaadkiisana inoo shubo, ummadda Islaamka ahna bash-bash iyo barwaaqo uu ku gaadhsiiyo sanadkan sanadkiisa, Ilaahay waxa aynu ka baryeynaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo Aakhiro san inuu wixii dhibaatooyin ah ummadda ka dul qaado.”

Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayraadka ay bishani xambaarsan tahay, kuna dhaqmaan awaamiirta Islaamiga ah ee bishan gudaheeda laga rabo qof kasta oo muslim ah, islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho muxubbo iyo is-jacayl, isaga oo  u rajeeyey inay meesha ka saaraan khilaafaadka yaryar ee ummadda dhexdeeda yaalla, “Ummadda Somaliland meel ay joogtaba waxa aan ku adkaynayaa inay ka faa’iidaystaan barakada bisha Ramadaan, soonkeeda iyo ajarkeeda, waxa kale oo aan reer Somaliland meel ay joogaanba usoo jeedinayaa inay walaaloobaan, Ilaahay ka baqaan, iyagu is ix-tiraamaan, dalkooda wada ilaashadaan oo iyaga oo mid ah wada horumariyaan, Ilaahay waxaan ka rajaynayaa inuu wixii dhibaato ah inaga  dul qaado dhammaanteen, wixii khilaafaad ah ee dhexdeenna ahna inaga dulqaado oo uu boggeena burcad isu mariyo, gaar ahaan  dagaallada qabaa’ilka ah ee inagu soo noqnoqday inuu Ilaahay boggooda burcad isu mariyo oo ay hawlahoodu inaga dhammaadaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.