Fashilka Ku Yimid Qalab Xukuumadu Ku Bixisay Malaayiin Doolar oo Loogu Talo Galay In Lagu Hubiyo Tayada Shidaal Dalka Soo Gala+ Go’aamo Ku Dhisan Isdifaac iyo Degdeg Oo Kasoo Baxay Haayadihii Ku Shaqada Lahaa.

Hargeisa(GNN):-Kadib Markii Ay Shacabka Somaliland Dhawaan Jahwareer Baahsan Ka Qaadeen Shidaal aan Dalka Hore u iman Jirin oo Waxyeelo Soo Gaadhsiiyey Qaybo kamida Gaadiidka Dalka Ayaa Waxaa Jiray muran Ka Dhashay Cida Masuuliyada Shidaalkaasi leh taas oo Haayada Dhawrsita tayada Somaliland Ku Anfariirtay Tabashada Shacabka iyadoo Go’aamo Ay ka Muuqato Degdeg iyo hubsiimo La’aani Warbaahinta La Soo Fadhiistay in Shirkad Gaar ahi Ay Dalka Keentay Shidaalkaasi Waxyeeladu ka Dhalatay, Masuuliyiintii Shirkadaasina Ku Doodeen in Shidaalkoodu Soo maray Baadhistii Xarunta Loogu talo galay in lagu hubiyo Tayada Shidaalka ee Dalka islamarkaana Ay Siiyeen Documentiyo ay ku Cadaynayan In Shidaalkaasi Uu yahay mid Ka Bad Qaba Dhammaanba Khatar Kasta oo ka Iman Karta Dhinaca Shidaalkaaasi,

Hadaba Faashilka  Masuuliyadan iyo Cidii ku Shaqada lahayd oo Ahayd Inay hubiyaan islamarkaana Ay Taxadir badan Ka Sameeyaan Shidaalkan oo ahayd Haayada Baadhista tayada iyo Cida Gaarka ah ee Maamusha Xarunta Baadhista Shidaalka  oo iyagu Aan Sidii loogu Talo galay u Gudan Waajibaadkoodii Shaqo Ayaa Haddana Sharaa’ig Ganacsi oo Dalka Sumcad iyo Sharaf  Ku Leh Ismarkaana labaatankiii sano ee u danbeeyey dalka keenayey shidaalka, Haayada Dhawrista Tayada Somaliland oo Iyadu ahayd Cid Masuuliyada Dawlada iyo Shacabka ugu Xilsaarneyd Dusha ka Saareen. Halkan hoose ka Daawo Warbixin Xaqiiqada Dhabta Kuu Iftiiminaysa.