Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Hay’adda Shaqaalaha Oo Waxka Bedel Kooban Ku Samaysay Sacaddaha Shaqaalaha Dawladdu Hawlgeli Doonaan Bisha Rammaddaanta 

Guddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland, ayaa wax ka bedel kooban Bisha Barakaysan ee Rammaddaanta inta lagu jiro ku samaysay saacaddaha ay shaqada ku jirayaan ama shayn doonaan shaqaalaha kala duwan ee Dawladdu u qorsheeyey si ay waajibaadkooda shaqo iyo Cibaaddada ALLE ku waajibiyey labadaba u gutaan.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa maanta shaaciyey go’aan ay soo saareenGuddida Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland oo ay ku socod siiyeen shaqaalaha dawladda ee kala dudwan in saacaddaha ay shaqayn doonaan bisha barakaysan ee Rammaddaanta oo wax ka bedel kooban lagu sameeyey, waxaana shaqaalaha la faray inay shaqooyinka dawladda inta lagu jiro Bisha Ramaddaanta soo geli doonaan 8:00 Subaxnimo kana bixi doonaan 1:00 Duhurnimo si ay shaqooyinka ay qaranka u hayaan  u gutaan isla markaana Cibaaddada ALLE ku waajibiyey u haleelaan dadku, waxaana Guddoomiye Sharmarke Geelle dhambaal hambalyo curashadda Bisha Barakaysan Rammaddaanta ku saabsan uu u diray shacabka Somaliland iyo shucuubta Islaamka oo uu ku hambalyeyey Bishan.

md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle waxa uu qoraalkiisu u dhigna sidan.

Wargelin

Hambalyo iyo Wax-ka bedel Saacadaha Shaqada

Mudanayaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxaa inoo bilowday bishii barakada badnayd ee Ramadaan, taasi oo loo diyaar-garoobayo cibaado iyo in xuska Alle dedaal dheeraad ah la geliyo.

Sidaa darteed, guddida hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo dareensan muhiimadda maalmahan tirsani u leeyihiin Addoomaha, sidoo kalena qiimaynaya in shaqaalaha dawladdu uga faa’idaystaan inta ugu badan, waxa ay ku wargelinayaan in is beddel kooban lagu sameeyey saacadaha shaqada.

Jadwalka cusub ee bisha barakaysani waxa uu noqon doonaa sidan:
Shaqo-gelista: 8:00Am “Subaxnimo”
Shaqo-ka bixidda: 1:00Pm “Duhurnimo”

Ugu dambayn, waxa aan ugu hambalyeynayaa guud ahaan shaqaalaha dawladda curashada bisha barakada badan waxa aanan u rajaynayaa in Alle ku daro inta helaysa dembi dhaafka, naxariista iyo in Alle jidhkooda naarta ka xoreeyo.

Ku Cibaadaysta Cafis iyo Caafimaad

Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL

%d bloggers like this: