Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Daawo-Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo Bullaacad Ka Soo Saaray Neef Geela Xaafada Shacabka Ee Magaalada Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa Maanta Abaaro 1:00 Duhurnimo Gurmad u Fidiyay Neef Geela  oo Ku Dhacay Bullaacad Ku Taalla Xaafada Shacabka Ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Dabdemiska ayaa Dadweynaha Goobtaas joogay ku soo Wargeliyeen Yeedhmadaas, waxaana Ciidanku u Baxay Gurmadkaa waxaana isla markii Ciidanku Isticmaalay Qalabka Badbaadada ee Sallaamada iyo Xadhkaha iyo Gaadhi Wiish ah, Waxaana Muddo Kooban ciidanku Godkaas kaga soo saaray Neefkaasi kuna Guuleysteen iyadoo Hawlgalkaa Ciidanku ku soo Badbaadiyeen Orgigaa uu Hogaaminayay Taliyaha Xarunta Qaybta Labaad.

Neefkan ayaa u daaq tagey Geed Ciina oo ka dulbaxay Bullaacadaas, waxaana kadib ay sababtay in neefkaasi uu ku dhaco godkaas maadaama uu godkaasi aad u jilicsanaa.

Waxaa Muddooyinkii u dambeeyay soo badanayay Dadka iyo xoolaha ku dhacayay Musqulaha iyo Godadka iyadoo sabab ay u tahay Dhismayaasha Godad kaasi oo ah kuwo duugoobay isla markaana aan dayactir lagu samayn.

Dadweynaha Goobtaas joogay iyo Dadkii neefkaasi lahaa ayaa u mahadnaqay Ciidanka Dabdemiska ugana mahadceliyay sida dareenka biniaadanimo leh ee ciidanku uga soo saaray  neefkaas.

Ciidanka Dabdemiska Qaranka JSL ayaa u taagan badbaado naf iyo maal waxaana ciidanku u gurmadaa masiibo kasta ama dhiilo kasta oo lagu soo wargeliyo loona baahdo in wax laga qabto.waxaana muddooyinkii u dambeeyay Ciidanka Dab-demisku Dad iyo Xoolo siyaabo kala duwan ugu baxay Xaafadaha Magaalada Hargeysa.

Gabagabadi waxaa Ciidanka Dabdemisku Dadweynaha uga digayaa inay ka Fogaadaan Goobaha Musqulaha iyo Bullaacadaha oo wakhtiyadan dambe Khatarahoodu aad u soo Bateen, sidoo kalena Xoolaha Gaar ahaan Geella Laga Saaro Magaalada.

 

%d bloggers like this: