Dad Lagu Dilay Toogasho Ka Dhacday Magaalada Malmo Ee Dalka Sweden.

Toogasho ayaa waxay saqdii xalay ka dhacday Badhtamaha magaalada Malmo oo ah magaaladda ugu weyn dalkaasi, isla markaana ku taalla Koonfurta dalka Sweden, sida ay sheegeen Boliska dalkaasi.

Shabakadda Wararka ee thelocal.se ayaa qortay in 2 qof la dilay, 4 kalena lagu dhaawacay Toogashadaasi, iyadoo ay Boliska sheegeen inuusan falkaasi ahayn mid Argagixiso.
Hadal-qoraal oo ka so obaxay Boliska Malmo ayaa lagu sheegay in wiil 18-jir ah iyo nin 29 jir ah ku geeriyoodeen Isbitaalka, halka 4 kalena laga daaweeyey dhaawacyadii ka soo gaaray Toogashadaasi.

Wargeyska maalinlaha ee Aftonbladet ee ka soo baxa dalkaasi waxa uu qoray in Dhibanayaasha la weeraray, xilli ay ka soo baxeen goob Inter café ah oo ku taalla Xaafadda Drottninggatan ee bartamaha magaalladda Malmo.
Warbaahinta Swedish waxay kaloo qoreen in Kooxda la weeraray ay Ciyaaraha Koobka Adduunka ku daawanayeen Inter Café, xilligii ay Toogashadda bilaabantay. .
Wargeyska kale ee Sydsvenskan waxa uu qoray in 3 ka mid ah dadka lagu dhaawacay Toogashadaasi ay ku yaallaan dhaawacyo aad u halis ah.

Dhinaca kale, Boliska dalkaasi waxay ka gaabsadeen inay shaaciyaan kooxihii toogashada geystay iyo Dhibanayaasha, inakstoo warar sheegayaan inay Boliska aad u yaqaanaan qaar ka mid ah dadkaasi.