Dawlada Ethiopia Oo Xayiraadii Ka Qaaday Tirada Warbaahin Tv iyo Mareego Kala Duwan Ah Oo Hawada Ka Maqnaa.

Dawlada Ethiopia Oo Xayiraadii Ka Qaaday Tirada Warbaahin Tv iyo Mareego Kala Duwan Ah Oo Hawada Ka Maqnaa.
Addisababa(GNN):-Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay xayiraadda ka qaadday in ka badan 250 TV iyo shabakado Internet oo hore u xannibnaa.

Agaasimaha xafiiska ra’iisulwasaaraha Fistum Arega ayaa Twitterka ku qoray “xoriyadda xogta ayaa aas aas u ah in la helo muwaadiniin lahaansho iyo masuuliyadba leh. Meel ay aragti xor ah taallo oo kali ah ayaa runta laga salgaaraa.

Arrintan ayaa astaan u ah isbeddello xoog leh oo dalka uu ka wado ra’iisul wasaaraha cusub, Abiy Ahmed.

In ka badan 10 sano ayaa maamulayaasha Itoobiya waxay aad u xannibeen in la booqdo Internetka, waxayna xireen maxaddado TV, kuwaasoo loo arkay in ay afdheer yihiin.

Maamuladii Kala Danbeeyey Ee Sanadihii Ina Soo Dhaafay Ayaa Laga Dareemayey in Dalka Ethiopia uu Jiro Cadaadis xoogan Oo La Saaray Dhinaca warbaahinta Madaxa Banaan Kuwa Maxaliga ah iyo Kuwa Dibedaba Balse Talaabadan Ay Qaadayso Xukuumada Raysal Wasaare Abbey Ahmed Ayaa U Muuqata Mid Jiho Ka Duwan Kuwii Hore u dhaqaaqday islamarkaana ka duwan siyaasad ahaan tii hore.