Hantidhawraha Guud Ee Qaranka S/nd Oo Maanta Xogwaran ugu Tagay Gudida Joogtada Ee Golaha Wakiiladda Somaliland.

Hargeisa(GNN):-Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda Somaliland Ayaa maanta Su’aalo weydiiyay Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir.

Kulankan oo aan warbaahinta loo ogolayn ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa ka hadlay Hanti dhawraha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Dirir, Waxaanu yidhi “Waxa noo yeedhay Gudidda joogta ah ee golaha wakiiladda Somaliland, anaguna waxa aanu kala hadalnay wixii noo qabsoomay, waxaanan isla garanay warbixintaas wixii ay ka helaan ay ku camal falaan, anaguna aanu ku camal falno wixii ay noo soo jeediyeen.

Isla markaana aanu si joogto ah u wada shaqayno, si hawsha aanu qaranka u wada hayno si wada

jir ah ugu gudano, wixii danbena waanu u soo  noqon doonaa” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Dirir.

Kulankan Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Iyo gudidayada Golaha Sharci Dajinta Somaliland ee Wakiilada Ayaa Kuwo Marwalba Si joogta ah ay ugu Kala Qaataan Wixii Shaqo ah ee Xafiiska hantidhawrka guud ee Qaranka Somaliland Oo Si Dhow Ula Shaqeeya Goleyaasha Wakiilada iyo guurtidaba, Waxaana kolamada Noocan Ahi yihiin Kuwo lagu Dardar galinayo islamarkaana Lagu ogaanayo Heerka Shaqo ee Xafiisyada dawlada iyo Hawlaha horumarineed ee u baahan Iskaashiga iyo hirgalinta Shuruucda Qaranka.

 

Halkan Hoose Ka Daawo.