Maareeyaha Dekadda Berbera Oo Ka Hadlaya Wakhtiga La Bilaabayo Dhismaha Dekada Cusub

Hargeysa (Gnet)-Maareeyaha Dekaddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, ayaa ka hadlay wakhtiga la bilaabayo dhismaha Dekadda cusub ee Berbera, waxaanu tilmaamay in ugu dambayn si rasmiya loo bilaabi doono 30/8/2018, oo muddo laba bilood kadib ah, waxa kale oo uu xusay in Mashruuca Waddada ee  Berbera Corridoor, uu meesha ku jiro, qorshuhuna yahay in la bilaabo.

Maareeyaha Dekaddaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya wakhtiga la bilaabayo dhismaha Dekadda cusub ee Berbera, ayaa yidhi “Dekaddu imika si fiican bay u shaqeeysaa, wax dhibaato ahina ma jiraan, waxaana rajaynaynaa in mustaqbalka Dekaddu is bedelo oo uu wanaagsanado, dhismihii Dekadda cusub ayaana rajaynayaa inay bilaamato sida ugu dhakhsaha badan, ugu dambayna waxay bilaabaysa dhismaheedu 30/8/2018”.

Maareeyuhu mar uu ka hadlaayey Waddada isku xidhaysa Wajaale iyo Berbera ee ku jiray mashruucan ayaa yidhi “Waddaduna qorshaha wey ku jirtay, waxaana filayaa oo aan ku rajo weyn nahay in iyana haddii ALLE idmo bilaabanto, inkasta oo aanan xog rasmiya aanan ka haynin, oo Wasiirka Waddooyinku xogogaal u yahay”.

Maareeyuhu mar uu ka hadlaayey Shirkadda DP World ayaa yidhi “Shirkadda DP World muuqaalka guud ee Somaliland wax badan bay ka bedeshay, indhihii caalamkana wey inagu soo jeedisay, waxaana rajaynaynaa insha allaah in mashruuca dhismaha Dekadda cusub iyo mashruucda kaleba ay noqdaan kuwa sidii loogu tagalay u hirgala”.