Muranka Deeqaha Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Meel Xasaasi Ah Maraya + Beesha Caalamka Oo Ka Jaawaabtay Warqadii Farmaajo Iyo Somaliland Oo Ka Hadashay

Hargeisa(GNN):-Wasiirka Wasaaradda Qorshayanta ee Soomaaliya Jamaal Maxamed ayaa dhowaan qoraal uu u dirtay beesha caalamka ku sheegay inay diidan yihiin oo ay kasoo horjeedaan qorshe gaar ah oo beesha caalamku ku caawiso Somaliland, Islamarkaana aan hore u hoos tagi jirin maamulka muqdisho.

Beesha caalamka ayaa iyaduna qoraal ay soo saartay kaga jawaabtay Kaa ay Dowlada Soomaaliya Hore ugu Dirtay, codsigaasi oo ahaa in wax Laga Badalo Macaamilkii Dhinaca mucaawinada Deeq Bixiyeyaasha islamarkaana Somaliland Aan Gaar waxba Loo Siinin ee La Hoos Keeno, Iyadoo Nuxurka Warqad Ay Soosaareen Beesha Caalamku Si Cad u Dadafeeyey Qorsha ay Wadato Somalia dibna ugu celiyey kaliya inay cusboonaysiiyaan heshiiskii hore loo galay.
Safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Ayaan Cashuur ayaa ka hadashay warqadan oo dawladda Soomaaliya u dirtay beesha Caalamka.