War Deg-deg Ah: Maxamed Kayse Bigeeye Oo Goor Dhawayd Xorriyadiisa Dib U Helay

Muwaadin Maxamed Kayse Bigeeye oo horay maxkamaddi ugu xukuntay sanad iyo badh xadhig ah ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Guddoomiyaha xarunta xuquuqal insaanka Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa bartiisa facebook-ga waxa uu ku sheegay in goor-dhawayd xorriyadiisa dib u helay Maxamed Kayse Bigeeye.

Maxamed Kayse Bigeeye ayaa horay loogu eedeeyay in uu Facebook kusoo qoray “madaxweynuhu waa Local – sida laga soo xigtay qareennadiisa.

Soo daynta Wariye Maxamed Aadan Dirir ayaa la filayaa inay ka danbaysay ka dib markii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu munaasibadda Ciidul Fidriga cafis u fidiyay 511 Maxbuus oo ku kala jiray jeelasha kala Duwan ee Dalka.