Shirka Beelaha Garxajis Oo Maalintii 8-aad Galay + Qodobada Ka Soo Baxaya Oo Loo Dheg Taagayo + Sawirro.

Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Shir weynihii Beel weynta Ismaaciil Sh. Isaxaaq “Garxajis “ee Tol-wanaaje Laba , ayaa maalintii sideedaa si habsami ah uga socda Buurta Gacan-libaax ee degmada Go’da weyn, iyadoo haatan uu shirka Tol-wanaaje Laba uu ku sii siqayo xaalad gebo-gebo.Image may contain: 3 people, people sitting

Shirkan Dhaqan ee Beesha Garxajis iskugu timi oo ahaa mid aan Beeshu u kala hadhin qol-qol joog iyo qurba joog-ba , isla markaana aan noociisa hore loo arag, ayaa waxa majaraha u haya oo hagaya ergooyin laga soo xulay Beelaha Garxajis oo Tiradoodu dhantay 550 Erygey iyo weliba 1000qof kale, kuwaas oo ahaa wax-garad

aqoonyahan iyo indhaar-garad kor-joogtanaya Shirka oo goob-jooga ka ah.

Image may contain: 6 people

Geesta Kalena Shirkan Tol-wanaaje Laba ee Beesha Garxajis oo maalintii sideedaad oo xidhiidh ah si habsami ah uga soconaya Buurta Gacan-Libaax, ayaa la filayaa in maalinta Beri ah ”Axada” lasoo gunaanado, iyadoo laga soo saaridoonaa war-murtiyeed ay ku jiraan sida la sheegay qodoba aad u mihiim ah .

Image may contain: 6 people, crowd

Dhanka Kalena Shir weynaha Beesha Garxajis ee Tol-wanaaje laba, ayaa waxa kusii qul-qulaya marti sharaf kala duwan oo ka kale socda Beelaha Reer Somaliland, kuwaas lagu martiqaaday xidhitaanka shirka , iyadoo dadka lagu casuumay ee beelaha kala ka socdaa ay iskugu jiraan Madax-dhaqameed ,aqoon-yahan iyo wax-garad, kuwaas oo la filaayo inay caawa ugu dambayn gaadhaan madasha shirka Garxajis ka socdo iyo Buurta Gacan-libaax.Image may contain: one or more peopleImage may contain: 3 people, including Khadar Mucalim Deeq, people sittingImage may contain: 3 peopleImage may contain: people sitting, table and indoorImage may contain: 8 people, people sittingImage may contain: sky and outdoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 4 peopleImage may contain: 3 people, people standingImage may contain: 6 people, including Khadar FarascadeImage may contain: 8 people

Gunaanadkii Shir weynihii Tol-wanaaje Laba oo maalinkii sideedaad ka socday Buurta Gacan-libaax, ayaa hadda ku dhow Gebo-gebo, iyadoo si rasmi ah loosoo afmeeridoona shirkaasi maalinta Axada ee Beri ah, waxaynu dhawrna waa qodobada kasoo baxay shir weynaha Beesha Garxajis marka lasoo geba-gebeeyo nooca ay noqdaan.