Soomaaliya Oo Gashay Liiska Waddamada Ugu Badan Ee Dunnida Lagu Dhibaateeyo Haweenka

Hay’adda Reuters Foundation ee ay ka tirsan tahay wakaaladda Wararka Reuters ayaa lagu shaaciyay 10-ka dal  ee haweenka lagu dhibaateeyo caalamka.

Warbixintan oo ah ra’yi Ururin ayaa waxaa lagu wareystay dad badan oo haween ah, waxaana lagu shaaciyay natiijada.

Waddamada ugu badan ee haweenka lagu dhibaateeyo kana soo muuqday liiskan waxaa ka mid ah Soomaaliya oo kaalinta 4aad kaga jirta.

Dalka Hindiya ayaa kaga jira kaalinta 1aad, waxaana labaad iyo saddexaad ku jira dalalka Afghanistan iyo Dalka Syria.
Liiskan waddamada ku jira waxaa ay kalayihiin;

1. India
2. Afghanistan
3. Syria
4. Somalia
5. Saudi Arabia
6. Pakistan
7. DRC
8. Yemen
9. Nigeria
10. United States.