Xulka Dalka Faransiiska Oo Guul Wax Ku Ool Ah Kagaga Badiyey Dhigiisa Dalka Aregtine

Faransiiska Oo Tartanka Koobka Aduunka Si Caaqibo Leh Uga Reebay Argentina & Mbappe Oo Is Muujiyay Kulan 7-Gool La Iska Dhaliyay.

Afar gool oo ay kala dhaliyeen Kylian Mbappe, Antoine Griezmann iyo Benjamin Pavard ayaa guul siiyay France kulankii ay wareega 16-ka koobka Adduunka kula mid kulmeen dhigooda Argentina, macalin Dechamps iyo wiilashiisa ayaana iska xaadiriyay wareega quarter final-ka.

Lionel Messi ayaa isaga haray koobka Adduunka, waxaana la rajeynayaa in isaga iyo tiro badan oo ciyaartoyda qaranka Argentina ah ay u tahay markii ugu dambeysay oo ay u ciyaaraan qaranka.

Saddex gool ayey la yimaadeen Argentina, waxaana dhaliyay Gabriel Mercado, Sergio Aguero iyo Angel Di Maria

Argentina ayaa si dar-dar ah ku bilaabatay, waxeyna u muuqdeen wadan dhiiran, walow ay Faransiiska qudhooda ay si daganaan ah ku wajaheen kulanka

FURSAD: Daqiiqadii 8-aad: Antoine Griezmann ayaa laad xor ah birta ku dhuftay, inyar oo walwal ah ayaana soo maray xulka Argentina.

RIGOORE: Daqiiqadii 9-aad: Kylian Mbappe ayaa qalad lagu galay isagoo jooga xerada ganaaxa, waxaana jalaafay Marcos Rojo. Garsooraha ayaana ku abaalmariyay France gool ku laad.

GOAL: Daqiiqadii 13-aad: Antoine Griezmann ayaa dhameystiray gool kulaadkii loo dhigay, dhinac qaldan ayuuna u diray goolhaye Armani.

HALIS: Daqiiqadii 31-aad: Mbappe ayaa isku dayay inuu si qurux badan uga gudbo daafaca Argentina, balse Tagliafico ayaa si adag uga soo diiday oo dhulka dhigay kana soo reebtay.

GOAL: Daqiiqadii 41-aad: Angel Di Maria ayaa kubad holac ah dhaliyay intaan la gaarin qeybta hore, wuxuuna meel ka baxsan diilinta ka cabiray goolhaye Hugo Lloris.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala baxay 1-1, oo ay hogaanka ku heyso France, waxeyna kaga mahad celinayaan Antoine Griezmann.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa dib la isugu soo laabtay, Argentina ayaana halkeedii kasii bilowday cadaadiska ay ku heysay goolka France.

GOAL: Daqiiqadii 48-aad: Gabriel Mercado ayaa shabaqa soo taabsiiyay gool lama filaan ah, si aan kutalgal aheyn ayeyna ugu dhacday kubad uu xerada ganaaxa ka dhex tuuray Lionel Messi.

GOAL: Daqiiqadii 57-aad: Benjamin Pavard ayaa  jawaab aan caadi aheyn bixiyay gool-kii dhigiisa Mercado, da’yarka Stuttgart ayaana shabaqa taabsiiyay gool aan caadi aheyn isagoo ka faa’iideystay kubad uu dhinac kasoo qaaday Hernandez oo si lama filaan ah ugu timid.

GOAL: Daqiiqadii 63-aad: Kylian Mbappe ayaa shabaqa soo taabsiiyay gool hogaanka mar kale u dhiibay France, kubad uu Hernandez dhinaca kasoo qaaday ayaa laga diiday Matuidi, si qurux badan ayuu da’yarka u qaatay lugta bidix ayuuna ku dhameystiray.

GOAL: Daqiiqadi 68-aad: Kylian Mbappe ayaa ceel dheer ku riday rajadii Argentina ee kulanka kadib markii uu si tartiib ah u dhameystiray kubad uu ka helay Olivier Giroud.

GOAL: Daqiiqadii 90-aad: Sergio Aguero ayaa dhaliyay gool inyar soo celiyay rajada xulka Argentina kadib markii uu si qurxu badan u dhameystiray kubad uu dhinac kasoo qaaday Lionel Messi.

Natiijada ciyaarta waxey ku dhamaatay 4-3, oo ay wareega quarter final-ka tartanka ugu gudbeen xulka France, waxaana garoonka nuuriyay Kylian Mbappe.