Christiano Ronaldo Oo Si Rasmi Ugu Biiray Kooxda Juventus + [ Qiimaha Lagu Iibsaday, Mushaharka Uu Qaadan Doono ]

London (GNN):- Kooxda Juventus ayaa si rasmi ugu

guulaysatay inay heshiis la gaadho ciyaaryahanka Christiano Ronaldo oo ku soo biiraya.

Kooxda Juventus ayaa qiime gaadhaya £88m ku iibsanaysa laacibkan ka dib markii ay maamulka kooxda Real Madrid ogolaadeen inuu tagi karo.

 

Kulan uu laacibka Ronaldo la qaatay madaxweynaha kooxda Juventus Andrea Agnell ayey ku heshiiyeen in Ronaldo uu saxeexo heshiis afar sanadood ah oo uu todobaadkiiba ku qaadan doono lacag gaadhaysa £500,000.

Dhinaca kale war ka soo baxay kooxda Real Madrid ayaa lagu sheegay in kooxdu ogolaatay in laacibka Ronaldo uu ku biiri karo kooxda Juventus, waxaana warka kooxda Real Madrid lagu yidhi

“Kooxdu waxay ogolaatay in Ronaldo uu ka tagi karo, waxaanan u rajaynaynaa mustaqbal fiican isaga oo ka mid ahaa xidigaha ugu wanaagsan ee soo maray kooxda.”

Dhinaca kale laacibka kooxda Real Madrid Paulo Dybala ayaa bartiisa Facebook ku sheegay inuu soo dhawaynayo laacibkan ku soo biiraya kooxda Real Madrid.