Guddoomiye Sharmarke Geelle Iyo Wefti Xukuumadda  Ka Socoda Oo Addisababa Kaga Qaybgalay Arday Reer Somaliland Oo Ka Qalinjabisay Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda Ee Itoobiya

Guddoomiye Sharmarke Geelle Iyo Wefti Xukuumadda  Ka Socoda Oo Addisababa Kaga Qaybgalay Arday Reer Somaliland Oo Ka Qalinjabisay Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda Ee Itoobiya.

Addisababa(GNN):-Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) iyo Wefti Madax kala duwan oo Xukuumadda Somaliland ka socota weheliyaan, ayaa magaalo madaxda Itoobiya ee Addisababa Kaga Qaybgalay Arday reer Somaliland oo ka qalinjabisay Kuliyaddo kala duwan oo Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda ee Itoobiya (Ethiopian Civil Service University) ay waxbarasho aqoon kala duwan kaga barteen.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) iyo wefti uu ay ka mid yihiin Wasiirka Maaliyadda Somaliland Yuusuf Maxamed Cabdi iyo Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Qaranka Xusseen iyo madax kale oo hay’adda qaranka ee Somaliland ka socota, ayaa Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda ee Itoobiya (Ethiopian Civil Service University) oo ay ka qalin jabiyeen Arday Kuliyado kala duwan Jaamacaddaasi ka dhigata oo reer Somaliland ah magaaladda Addisaba Xaflad lagu qabtay kala qaybgalay Qalinjabinta Ardaydaasi, waxaana qoraal kooban oo Guddoomiye Sharmarke Geelle kaga hadlay uguna hambalyeeyey xafladda ay ardaydaasi qalin Jabisay Itoobiya kaga la qaybgaleen iyo ahmiyadda ay qaranka Somaliland cilmiga ay soo barteen u leeyahay.

Md Sharmarke Axmed Muxumed (Geelle) oo si kooban tafaasiil uga bixinaayey Xafladda Qalinjabinta Ardayda reer Somaliland ka soo jeeda ee Addisababa ka dhacday waxa uu yidhi “Guud ahaan ardayda JSL ee ka qalinjabiyey Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda ee Itoobiya (Ethiopian Civil Service University) ,waan u hambalyeynayaa waanan u hanweynahay in ay aqoon, waayo-aragnimo iyo dardar dedaal badan ku soo kordhin doonnaan shaqada iyo hay’adihii dawladda ee ay ka tirsanayeen”