Itoobiya Iyo Eritrea Oo Dib U Furanaya Safaaradahooda Asmara Iyo Addis Ababa.

Addisababa(GNN):-Dowladaha Ethiopia iyo Ertirea ayaa Isniinta soo socta dib u furanaya Safaaradahooda Asmara iyo Addis Ababa, taasoo qeyb ka ah xiriirka labada dal u bilowday, kaddib labaatan snao oo dagaalo u dhaxeeyay.
Labada dal ayaa isku raacay inay dib u furaan qadadkii isgaarsiinta, ganacsiga iyo xiriirka diblomaasiyadeed.
Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa 18-ka bishan dib u bilaabi doonta duulimaadyadeeda muddo labaatan sano kaddib, iyadoo dadka heysta baasbaoorada labada dal ay qaadan doonaan Visaha ama dal ku galka labada dal.
Dib u heshiisiinta taariikhiga ee labada dal dhex maray ayaa sabab u noqday in dhamaan ka heshiiyaan khilaafaadkii siyaasadda iyo dhinaca milateriga ah.
Afhayeenka dowladda Ethiopia Ahmed Shide ayaa sheegay inay dib u furayaan labo waddo oo muhiim ah isku xirta Dekedaha Assab ee Koofurta Eritrea iyo Dekedda Massawa ee waqooyiga Eritrea, si Gobolka oo dhan uga faa’ido.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dib u furida waddooyinka isku xira Itoobiya iyo Dekedaha Eritrea aanay kaliya faa’ido ugu jirin dadka Ethiopia, balse Gobolka oo dhan uu faa’ido u yahay.


Boqolka milyan ee Itoobiya ayaa ku tiirsan Dekeda dalka yar ee deriska la ah ee Jabuuti, waxaana dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu kala hadlay dowladda Sudan, sidii u isticmaali lahaayeen dekadaha dalkaas.
Booqashadii taariikhiga aheyd ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tagay Asmara ayaa waxay furtay albaabo badan, iyadoo labada dal isaga soo dhowaaday si aan horay loo fileyn.
Ethiopia iyo Eritrea ayaa muddo labaatan sano u dhaxeeyay colaado iyo muran dhanka Xadka ah, waxaa sanadkii 1998 illaa 2000 u dhaxeeyay dagaalo ay ku dhinteen kumanaan ruux.

Gabiley News Network

Contactgabileynews@gmail.com