Kenya Gabadh Hore Ugu Guuleysatay Quruxda Hablaha Oo Maxkamadi Hadda Ku Xukuntay Daldalaad, “Ceejis”

Nairobi(GNN):-Maxkamada Milimani ayaa ceeji in lagu dilo ku xukuntay gabar qaaday quruxda hablaha kenya oo lagu eedeyay in ay midi ku dishay wiil ay haasaawe wadaag ahaayeen sanadii 2015-kii.

Ruth Kamande oo laba sano ku xirneyd gaal shiraha Lang’ata ayaa oo ku caan baxday magac Miss Langata ayaa sanadii 2015-kii 25 mar midi ku dhufatay wiil xiriir jaceyl ka dhaxeeyay taas oo ugu danbeyn uu u geeriyoodaay.

Gabadhaan ayaa Qiratay in ay dilka geysatay balse waxaa ay sheegtay in wiilkaan oo qabay caabuqa cudurka HIV AIDS-ka uu isku dayay in uu kufsado deetana ay midi ku dishay.

Garsooraha maxkamada Milimani ee magalada nairobi Jessie Lesiit ayaa ku xukuntay in Ms kamande ceeji lagu dilo.

Waxaa ay ku catowday in maxkamada ay cafiso balse garsoorka ayaa tilmaamay in uusan jirin xukun kale oo lagu badali karo in la ceejiyo.

eedeysanahan ayaa heysata laba todobaad si ay u codsato racfaan ay ka qaadato xukunkan

Balse su,aasha isweydiinta leh ayaa waxaa ay tahay in kenya aysan laheyn ruux ceeji ku dila dadka lagu xukumo in ay geysteen danbiyada dilka ku saleysan.

Ninkii ugu waqtiga dheeraa mudo badanna dadka ceejida ku dili jiray oo lagu magacabi jiray Kirugumi wa Wanjuki ayaa sanadii 2009-kii cudurka qabowga ama (koolba aaryada)ugu dhintay tuulo ku taal degaanka Aberdere ee bartamaha kenya.

Sharciga dalkaas ayaa waxaa uu dhigayaa in dadka ceeji lagu dilo waxaana lagu soo dhaqmayay xukunada ceynkan ah tan iyo markii ay kenya xornimada ka qaadatay Gumeystihii Ingariiska.

Kirugumi wa Wanjuki ayaa ceeji ku dilay laba sargaal oo ka tirsanaa ciidamada cirka oo lagu magacaabi Jiray Hezekiah Ochuka iyo Pancras Oteyo Okumu oo lagu eedeyay in ay afganbi rabeen sanadii 1982-dii madaxweyne Daniel Arap Moi.

Labadaas sargaal ayaa ugu danbeeyay kenya wax ceeji lagu dilo.
Sanadii 2016-kii madaxweynaha kenya uhur kenyatta ayaa saxiixay sharci ah in dadka lagu xukumay dilka in loogu badalo in ay xabsiga cimrigooda ay iskaga dhamestaan.

Waxaa xabsiyada kenya ku xiran 2,747 oo 92 ka mid ah ay dumar yihiin kuwaasi oo horay loogu xukumay dil toogasho balse waqtigooda ku dhameysan dooni xabsiga kadib sharciga uu saxiixay madaxweynaha Kenya.

Si kastaba ha ahaatee Garsoorka Maxkamada Milimani ayaa tilmaamay in Xukunkaan ay uga gol leeyihiin sidii loogu xakameyn lahaa muranada ku saleysan xiriirka Jaceyl oo ugu danbeyn keena in ay dumarka Toori wax ku dilaan.