Maareeyaha Guud ee Shirkada Laydhka Sompower Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Maraaxilkii Uu Soo Maray Laydhku iyo Dadaalka Ay Wadaan.

Hargeisa(GNN):-Maareeyaha Guud ee Shirkada Laydhka Sompower Oo Tafaasiil Ka Bixiyey Maraaxilkii Uu Soo Maray Laydhku iyo Dadaalka Ay Wadaan Ka Shirkad Ahaan.

Maareye Axmed C.raxmaan Wayso Ayaa Si Faahfaahsan uga Waramay Caqabadaha Dhinaca Korontada ee Somaliland iyo Maraaxilkii ay Soo Martay Waxaana Sidoo kale uu Sheegay In Shirkada Sompower oo ah Midowga 35 Shirkadood oo Yaryar oo Si Gaargaara ugu Shidi jiray Xaafadaha Magaalada Hargeisa oo hadda Ku Midoobay Hal shirkad oo Lagu magacaabo Sompower uu Qorshahoodu yahay Sidii Bulshada Somaliland u heli lahayd Adeeg Jaban oo Dhinaca Laydhka ah islamarkaana Tayo Wanaagsan leh.

Halkan Ka Dhegayso Mareeyaha Guud ee Shirkada Sompower Oo Amuurahaasi Wax Laga Waydiiyey.