Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Kulan Ku Wada Qaatay Culimada ugu Caansan Gayiga Somalida Ceelafweyn.

Madaxweyneku-xigeenka Somaliland Oo Kulan Ballaadhan La Qaatay  Culimada Ugu Caansan  Geyiga Somaliland iyo dhulka Inta Afka Soomaaliga Ku Hadasha Oo Qayb Ka Ah Wafdiga Nabadaynta U Jooga Ceel-afweyn.

Ceel-afwayn-09-07-2018-(GNN)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo wafdigiii uu hogaaminaayay ayaa kulan ballaadhan la qaatay Culimada ugu caansan dalkani Somaliland oo magaalada ceel-afweyn u yimi sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen nabadaynta dadka deegaankani ku wada nool.

Wafdiga Madaxweyne ku-xigeenka iyo Culimada ayaa si weyn uga wada hadlay sidii loo dhamayn lahaa colaadani, islamarkaana aanay dib ugu soo noqon lahaydn deegaanka, waxaana kulankaasi lagu faa-qiday qaababka loo xalin karo nabad-galyodaradda deegaanka ka jirta.

Culimada ayaa Madaxweyne ku-xigeenka u ballan qaaday inay doorkooda qaadan doonaan si hufan oo hanaansan islamarkaana ay ku sargoynayaan diinta Islaamka iyo garsoorkii Rasuulka NNKH.

Culimadaasi oo  ay kamid ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Sheekh Ismaaciil Dheeg, Sheekh Suufi, Sheekh Cabdilaahi Xaashi Bar-baraawi iyo Culimo kale oo caana.