Madaxweyne Trump Oo Safiir U Magacaabay Soomaaliya + Dalalka Uu Ka Soo Shaqeeyey Safiirka Cusub

Moqdisho (GNN):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa

Donald Y. Yamamoto u magacaabay inuu noqdo safiirka aan caadiga ahayn, islamrkaana leh awoodda buuxda ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Donald Yamamoto

Mr. Yamamoto ayaa hadda ah ku xigeenka kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka ee xafiiska arirmaha Afrika.

Waxa uu horey usoo noqday sii-hayaha kaaliyaha xoghayaha xafiiska arrimaha dibedda.

 

Muddadii uu ka shaqeynayey siyaasadda arrimaha dibedda Mareykanka, DonaldYamamoto waxa uu soo noqday safiirka Mareykanka ee dalalka Ethiopia iyo Jabuuti.

Waxa uu saddex shahaado oo kala duwan ka kala qaatay jaamacadaha Columbia University iyo National War College ee dalka Mareykanka, isaga oo sidoo kalena ku guuleystay 22 abaalmarin oo ay bixisay waaxda arrimaha dibedda Mareykanka.