Mujaahid Cali Guray Oo Farta Ku Fiiqay Shaqsiyaad Marin Habaabiyey Shirkii Tol-wanaaje.

Halkan ka Akhri Qoraalka Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).
“..Shirkan taladii Axmed Mire wuu yahay. Inta goor ee Isaaq dhexdiisa uu isku dilay ee baxsaday goobjoog intii u ahayd way ogtahay. Haddana wax kale dalka umuu iman laakiin wuxu ilawsan yahay ugu dambaystii isagoo firxad ah inu idaacadda hoosteeda soo degay ilaa uu dhoofayayna gaadh laga hayay inta laga ilaalinayayna ay tolkii ahayd oo intuu dagaal sokeeye geliyay kolkii kun nin oo Isaaq ahi dhimatayna uu madaarkan Hargeysa ka soo degey uu yidhi “Madaarka anigaa xidhay aniga ayaana furaya”. Waxa la yidhi waar dee Ciidagalle wuu maqan yahay weli. Wuxu ku jawaabay “KOL HADAANU NIMI CIDAGALLENA WUU ISKA IMAN. Ina Mire saw ninkaa muu ahayn?
Axmedow hadii maantana aad weli cid ku dhegaysanaysaaba jirto ha ka baxsanin la joog waxad haysana mid ha la hadhin. Hadaad cirka sare badh soo dumiso halkaad ka gasho adigu ayuun baan aniguna ka geliye soo dumi.
W/Q
Siyaasi Cali Guray.