Saami-Qaybsiga Ilaha Dhaqaalaha Magaalada Gabiley, Beesha tunka wayni, waa tee? Arin ka Baahi-Daran Duufaantii!!!!!!!

Waa in bulshada Gabiley ee kaladuwan sida: dhalinyarta, haweenka, odayaasha ay arinkan ka dhiidhiyaan oo ay laxisaabtamaan

Hordhac:

Intii aan ku guda jiray qiimaynta “Sariimadda Xaafadda Laag-Barako, iyo Dhakhtarka wayn ee Magaalada Gabiley” waxaan xaqiiqsaday, kadib waraysiyadii aan lagaly dadwaynihii kala duwanaa, in Saami-Qayb siga ilaha dhaqaalaha Magaalada Gabiley aad looga dayrinayo. Taas oo keentay in qabiiladaa aan helin saamigooda ilaha dhaqaalaha ay siyaasad ahaan liitaan, oo ay u baahan yihiin gurmad dag-daga. Marwalba dhaqaalaha iyo Siyaasaddu si xooggan bay isku saameeyaan.   Waxay ila tahay, arinkanaa ka daran Duufaantii, Shisheeye iyo Sokeeyaba ay qaadhaanka u gureen!!!!!!

Dhawaan bay ahayd, markii uu Maayarku Mudane Maxamed Amiin Cumar Dheere yidhi, isagoo jooga Qurbaha, “Somaliland waxay u dulmantahay caalamka intiisa kale, halka Gabiley u dulmantahay Somaliland inteeda kale”.

Waxaan ku

baraarujinayaa, Maayarka, maah-maahdan “Charity begins at home” (Wanaaga waxaa laga bilaabaa gurigaaga).

Beelaha dega Magaalada Gabiley waxay u dulmanyihiin Beesha “Reer-Dalal Ismail Cumar, Jibril Abokor”

Waajibaad ka saaran Xil-dhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmo –walba:

Qodabka 21, aad ee “Xeer ka Gobolada Ismaamulka iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeer LR. 23/2002, wuxuu sheegayaa, “Mudanaha ladoortay waxaa ku waajibay u feejignaanta iyo la socodka baahida iyo tabashada dadwaynaha, xilna ka saaran yahay inuu u soo gudbiyo Golaha Deegaanka ee uu ka tirsan yahay”.

 

Waa in uu is casilaa Maayarka Gabiley!! Waayo wuxuu fulin-waayay Qodabka 21, aad ee Xeerka LR 23/2002 Gobolada Ismaamulka iyo Degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ee kor ku xusan.

 

Waa inuu sidoo kale is casilaa, Badhasaabka Gobolka Gabiley, waayo wuxuu jabiyay Xeerka LR/23/2002, Xubintiisa 3aad, Qodabka 13 aad oo ka hadlaya xilka Golayaasha Gobolka.

 

Qodobka 13 aad wuxuu sii faahfaahinayaa qodobadan:

1.      Gu, aaminta arimaha Siyaasadeed, Dhaqaale, Maamul, iyo ee Horumarineed ee saameeya Gobolka.

2.      Dib u eegid Miisaaniyadaha Degmooyinka Gobolka.

3.      Adkaynta Nabadgalyada iyo Sugida ammaanka.

4.      Dib u eegid gu, aamadda maamul iyo siyaasadeed ee Dagmooyinka iyo Gobolka.

5.      Dhex-dhexaadinka Degmooyinka iyo Bulshada Gobalka

Tusaale:

1.    Waa Qoloma cidda Agaasimta Dhakhtarka wayn ee Magaalada Gabiley? Waa Reer Dalal Ismail Cumar, Jibriil Abokor.

2.    Waa Qoloma cidda Agaasimta Dhakhtarka TB ee Magaalada Gabiley? Waa Reer Dalal Ismail Cumar, Jibriil Abokor.

3.    Waa qoloma Maareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Gabiley? Waa Reer Dalal Ismail Cumar, Jibriil Abokor.

4.    Waa Qoloma Maayarka Degmadu? Waa Reer Dalal Ismail Cumar, Jibriil Abokor.

5.    Waa Qoloma Maamulaha Dugsiga Sare ee Dawliga ah ee Qalax? Waa Reer Dalal Ismail Cumar, Jibriil Abokor.

6.    Waa Qoloma Maamulaha Dugsiga Hoose-Dhexe ee Sh. Muxumed Warsame? Waa Reer Dalal Ismail Cumar, Jibriil Abokor.

7.    Waa Qoloma Imaamka Masjid Jaamaca Wayn? Waa Reer Dalal Ismail Cumar, Jibriil Abokor.

8.    Waa Qoloma Imaamka Masjid Nuur? Waa Reer Dalal Ismail Cumar, Jibriil Abokor.

Talo-Soo Jeedin:

1.    Waa in bulshada Gabiley ay hadda-Kadib u meel dayyaan codkooda, oo ayna fartoodu eedin. Waayo, waxay u muuqataa in Doorashooyinku ay yihiin, “Riwaayad Madaxdu Jillayso, Dadwaynahana lacag laga gurayo”.

2.     Waa in bulshada Gabiley ee kaladuwan sida: dhalinyarta, haweenka, odayaasha ay arinkan ka dhiidhiyaan oo ay laxisaabtamaan Maayarka Degmada, Gabiley.

3.     Waa inay bulshada Gabiley sidoo kale laxisaabtamaan Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Gabiley.

4.     Waa in Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ay ilaahay (SWT) kabaqaan oo ay laxisaabtamaan Maayarka. Waayo maayarku wuxuu ku takri-falay xoolihii ummadda, iyo dhaqaalihii dadwaynaha.

5.     Waa inuu Maayarka Degmada Gabiley Mudane Maxamed Amiin Cumar Dheere uu si deg-deg ah uu isku casilaa.

6.     Waa inuu Badhasaabka Gobolka Gabiley uu si deg-deg ah isku casilaa, waayo wuxuu fulin waayay xeerarka ku qoran kor.

7.     Waatii dawladda dhexe ee uu gadhwadeen ka kayahay Mudane Muuse Biixi Abdi  ku ballan qaaday, cadaalad. Su, aashu waxaweeyi aaway caddaaladii? Waa in si dag-dag ah ay Dawladda Dhexe u fara galiso waxa kasocda Magaalada Gabiley.

8.     Waa in culimada diinta Islaamku arinkan ay ka dhiidhiyaan, haddii kale waa dameer iyo dhagtii. Dulmiga noocane waa kii Reer Banuu Israa,iil Ilaahay ku nacdalay, ee uu ku roggay.

 

Lasoco Qaybaha Danbe ee Maqaalkan kooban, ee macnaha wayn xanbaarsan.

 

Mr. Maxamed X. Maxamoud Cumer, (Maxamed X. Maxamoud Gadhle),

Expert in M&E,

UCU, Uganda,

+252-634850653

dalalyus2017@gmail.com