“Somaliland Waa Dad Walaalaheen Ah, Duruufo Badan Iyo Dhib Badan Ayaa…” Farmaajo Oo Ka Hadlay Wada-hadallada Somaliland Iyo Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay wadahadallada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, wuxuuna tilmaamay in dowladdiisu ay diyaar u tahay dib usoo celinta wadahadalladaasi.

“Somaliland waa dad walaalaheenna ah, duruufo badan iyo dhib badan ayaa soo maray oo laga yaabo inuu na kala qeybiyey, dowladdan diyaar waxay u tahay iney wadahadalladii soo celiso oo si wanaagsan oo run ah, oo xaqiiq ah loo wada fariisto Soomaaali kalama maaranto waa dad walaalo ah, waa dad isku dad ah, waa dad wax walbo wadaaga, in umadda Soomaaliyeed isku soo celinno oo aan isku dunno oo aaan walaalinno ayaa qof walbo oo Soomaali ah iyo mas’uuliyiintu waajib ka saaran tahay, aniga ayaa ugu horreya oo madaxweynihii umadda Soomaaliyeed ah iyo dowladdeeda diyaar waxaan u nahay inaan wadahadalkii si kasta oo aan kalsooni ku gelin karno walaalaheen aan ku gelinno, maxaa yeelay waa garab inaga maqan” Madaxweyne Farmaajo ayaa sidaasi yidhi.