Waraabe Qofkii Afraad Habeen Hore Ku Cunay Tuulada Cabdi Geedi Ee Woqooyiga Hargeysa Iyo Dadka Deegaanka Oo Ka Cabanaya Weerar Joogta Ah Oo Uu Ku Hayo

Hargeisa(GNN):-Wiil 8-jir ah oo Magaciisa lagu sheegay Yaxye Cabdilaahi Xuseen ayuu waraabe habeen hore ku cunay Deegaanka Cabdi Geedi ee Xeebta Wooyi ee Magaalada Hargeysa,kaasi oo markii dambe laga soo riday Dhurwaagii qaatay islamarkaana isagoo dhaawac halis ah qaba loola cararay Dhinaca Dalka Jabuuti oo uu markii dambe ku geeriyooday,Waxaanay dadka Deegaanku Wargeyska Foore u sheegeen inuu wiilkaasi yahay kii Afraad ee uu Xayawaanka Waraabuhu sanadkan oo qudha ku cunay deegaanka Cabdi Geedi.

Xayawaanka Dibad Galeenka ah ee Waraabaha ayaa sanadkii u dambeeyay faro baas ku haya Dadka ku dhaqan Deegaanka Cabdi Geedi ee Dhinaca Xeebta Woqooyi ee Gobolka Maroodi Jeex ee Hargeysa,waxaanay dadka Deegaankaasi Degani qaylo dhaan u soo dirsadeen Xukuumadda si looga soo gurmado Waraabahaasi oo ay sheegeen inuu maalmaha qaar uu si toos ah weerar ugu soo qaado,waxa ay Walaac ka muujiyeen in Waraabahani uu bartay Hilibka dadka islamarkaana uu ku soo haliilayo oo aanu xiitaa ku leexanayn Xoolaha. Waxa ay sidoo kale sheegeen in sanadkan dhexdiisa oo qudha uu waraabahan Afar Ruux ku cunay Deegaanka Cabdi Geedi islamarkaana ay khaati ka taagan yihiin,waxa ay iskaga caabiyaana aanay haysan.

Chief Caaqil Xasan Cabdi Rayaale oo ka mid ah Ehelada Wiilkan yar ee Waraabuhu Cunay oo khadka telefanka Waraysi khaas ah ku siiyay Wargeyska Foore ayaa waxa uu yidhi“Xalay abaaro 9-kii Habeenimo ayuu waraabe ka qaatay Deegaanka Cabdi Geedi Wiil 8-Sanno jir ah,wuu la cararay oo hooyaddii dhashay ayaa kadaba carartay,dadkii ka agdhawaan ee Qaylada maqlayna way u soo gurmadeen,intaanay dadkii kale soo gaadhin ayay Islaantii hooyada ahayd ka riday,Waxa uu fujistay Qaybo ka mid ah Madaxa,Gaar ahaan waxa uu goostay il iyo dheg,waxaanu dhaawac Culus gaadhsiiyay Madaxa, Waxaa Isla Xalayba loola cararay Jabuuti,isagoo markaasi naftu ku jirto,laakiin aan waxba ku noolayn”.

Waxa kale oo uu yidhi“Wiilkaasi Magaciisa waxa la odhanyay Yaxye Cabdilaahi Xusseen,Malcaamad Quraan Ku taala Tuuladda Cabdi Geedi ayuu Quraanka ka dhigan jiray,Gurigooduna waxa uu ku yaalay Badhtamaha Daabiyadaasi yar ee Cabdi Geedi layidhaa. Wakhtigan Bahalku haleelay waa uu hurday,Waxaanu hurday Ardaaga reerka,Wakhti Xagaa ah ayaa lagu jiraa,dadku inta badan Wakhtigan oo kale waxa ay seexdaan Banaanka Guriga ama Guriga hortiisa si ay laydh u helaan oo Guryuhu waa kulayl aan la seexan,markaa waxa uu wiilkani ka mid ahaa dadkii hurday banaanka ama Ardaaga,halkaasi ayaanu ka qaatay bahalku. Warabayaasha Weerarka qayb qaatay way badnaayeen laakiin mid uunbaa wiilkan qaatay oo u soo dhacay Reerka,muddo dhawaydna Habeenimo ayuu Tuuladdan Cabdi Geedi Weerar ku soo qaaday,oo Magaaladdii ay fajacday oo Aqalada la galay,markaa weerar joogto ah ayuu nagu hayaa”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Qofkani waa Kii 4-Aad ee uu waraabe ka qaato Deegaanka Cabdi Geedi sanadkan. Bahalkaasi xoolihii waa uu soo dhaafay oo dadkii ayuu guranayaa,waxaan ugu baaqayaa Dawladda Somaliland iyo ciddii ay khusayso arintani in lanooga soo gurmado oo lanaga caawiyo Bahalkan faraha baas ku haya Dadka Deegaanka Cabdi Geedi. Bahalkani Hilibkii dadka ayuu dhan dhamiyay,markaa Waxa la sheegaa haddii uu Waraabuhu Hilibka dadka dhan dhamiyo ma joogsado”. Ayuu yidhi masuulkani mar uu Foore la hadlayay.