Xulka Faransiiska Oo Si Farshaxan Ah U Garaacay Croatia, Mbappe Oo Isbaray Qof Walba & Les Bleus Oo Hantay Koobka Adduunka.

Goolal ay dhaliyeen Kylian Mbappe, Paul Pogba, Antoine Griezmann & gool uu iska dhaliyay Mario Mandzukic ayaa natiijo qurux badan siiyay xulka France, waxeyna taasi ka dhigan tahay in xulka Les Bleus ay markii labaad ku guuleysteen koobka Adduunka.

Croatia wey soo dadaaleen, laba gool ayey la yimaadeen oo ay ka heleen Ivan Perisic iyo Mandzukic – balse gurigooda waxey ku laabanayaan ayagoo madaxooda hoos yahay maadaama ay guuldaro ku dhacday.

Kulanka wuxuu ku bilowday si xamaasad leh iyadoo wiilasha Croatia ay u muuqdeen kuwa aad uga fiican bilowga maadaama ay dhawr jeer cadaadis saareen goolka France, tobankii daqiiqo ee ugu horreeyay waxey tageen goolka kale tiro ka badan saddex jeer taasoo ka dhigan iney aad uga fiicnaayeen dhigooda.

HALIS: Daqiiqadii 13-aad: Ivan Perisic ayaa dhinac kala soo galay isagoo xawaare ku socda, balse kubadii uu goosha soo aadiyay si u saaxiibadiis u caawiyo waxaa ka saaray Samuel Umititi.

FURSAD: 22-aad: Croatia ayaa ilbriqsiyo waalli ah galisay dhigeeda France, laad xor ah ayey geesta ka tuurteen ka hor inta uusan soo badbaadin Lloris, mar kale ayey isku dayeen kubad ay si awood leh kusoo dhacsadeen iney ku weerar galaan balse Rakitic ayaa hawada sare ku tolay kubadii loo soo dhigay.

GOAL:  Daqiiqadii 28-aad: Ivan Perisic ayaa asturay ceebta saaxiibkiisa, kubad laba xiddig ay madax ku dhufteen kadib ayaa u timid Vida kaas oo tartiib u caawiyay Ivan, xiddiga Inter Milan si qurux badan ayuu kubada uga dheereystay Kante ka hor inta uusan lugta bidix kubad awood leh ku daba marsiin Hugo Lloris.

RIGOORE: Daqiiqadii 36-aad: Ivan Perisic oo shabaqa soo taabtay kulanka – ayaa gacanta ku taabtay kubad isagoo dhex taagan xerada ganaaxa, waqti lagu bixiyay VAR kadib garsoorka wuxuu go’aansaday inuu rigoore dhigo.

GOAL: Daqiiqadii 39-aad: Antoine Griezmann ayaa shabaqa soo taabtay kaas oo dhaliyay goolka labaad ee ciyaarta, xiddiga Atletico Madrid dhinac qaldan ayuu u diray goolhaye Subasic waana rigoradii saddexaad oo uu dhaliyo xiddigaan mudada tartanka.

HALIS: Daqiiqadii 42-aad: Ciyaartoyda Croatia ayaa halis galiyay tiro saddex jeer ah goolka France, laba koorne ayey soo tuurteen – balse marnaba gool kuma helin.

Qeybta hore ciyaarta waxaa lagu kala maray 2-1, oo ay ku hogaaminayaan wiilasha Didier Dechamps, halka wiilasha Zlatko Dalic ay soo bandhigeen qaab ciyaareed aan caadi aheyn.

Qeybtii labaad ayaa lasoo laabtay iyadoo labada xul ay si xiiso lehaa mar kale u madadaaliyeen qof walba oo daawanayay, waxyena bilowgiibaa sameeyeen wax aan caadi aheyn.

BADBAADO: Daqiiqadii 48-aad: Ante Rebic ayaa isku dayay inuu shabaqa soo taabto markii uu kubad ka tuuray xerada ganaaxa, balse Hugo Lloris ayaa ka badbaadiyay.

BADBAADO: Daqiiqadii 52-aad: Kylian Mbappe ayaa si fiican u shaqeeyay markii uu ka xarooday Vida, balse kubadii uu goolka aadiyay Subasic ayaa ka badbaadiyay.

GOAL: Daqiiqadii 59-aad: Paul Pogba ayaa shabaqa soo taabtay markii uu si qurux badan lugta bidix kubad ku daba mariyay Subasic, Kylian Mbappe ayaa markii hore soo abuuray halka Paul ay mar ka qaldantay walow uu markii dambe saxay.

GOAL: Daqiiqadii 65-aad: Kylian Mbappe ayaa shabaqa soo taabtay kadib markii uu meel ka baxsan xerada garoonka, goolhaye Subasic ayaa awoodi waayay inuu qabto kubad adag oo ka timid da’yarka ugu fiican waqtigaan dunida.

GOAL: Daqiiqadii 69-aad: Mario Mandzukic ayaa helay hadiyad fiican markii Hugo Lloris uu damcay inuu falaado isagoo gooshiisa hor jooga, si dhibyar ayuuna shabaqa ugu aadiyay xiddiga ka tirsan Juventus.

Croatia ayaa sameysay dadaal aan caadi aheyn, balse uma suuragalin iney gool ka helaan, natiijada ayaa noqotay in Faransiiska inuu ku guuleysto 4-2.a

Xulka Les Bleus ayaana hantay koobka Adduunka, waana markii labaad oo ay sidaas sameeyaan, waxaa la xasuustaa in 1998 ay ku guuleysteen waqtigii gurigooda.