Akhri:- Madbacaddii Qaranka ee Hargaysa Oo Qarka U Saaran In Albaabada Loo Laabo, Iyo Shaqaalaha Oo Tilmaamay In Cid Gaara Lagu Wareejinayo

Madbacaddii qaranka somaliland ee daabacaad waraaqaha kala duwan ee wax lagu cashuuro ayaa qarka u saaran in albaabada loo xidho ka dib markii shaqalaha goobtaasi aanay wax mushar ah qaadan tan iyo markii madaxwayne Muuse Biixi xilka la wareegay marka laga reebo laba bilood oo mar laysku raaciyay muddo hore.

Hadaba shaqaalaha Hangoolnews oo arrintan daba-gal ku sameeyay  xog waraysina la yeeshay Howl-wadeenada xaruntaasi ayaa intooda badani  ay xaqiijiyeen in la doonayo in madbacadda la xidho si loo siiyo ama loogu wareejiyo  cid gaara waana ka keentay bay yidhaahdeen in mushar la,aani nagu habsato.

“Mushar la nooma waayin illaa wakhtigaas ee meesha cid gaar ayaa meesha lagu wareejinayaa wali shirkaddaha daabacaada ayaa lagu wareejinayaa” siddaasi waxaa yidhi mid ka mid ah shaqalaha xarunta oo codsaday in aan magaciisa la sheegin.

Madbacadda qaranka ayaa ah Hayad wax soo saar oo lagu daabaaco dhamaan foojarada kala duwan ee dowliga ah si aan meel kale loogu daabacan musuqna u dhicin.

Lama garanayo waxaa keenay in muddo dheer aan wax mushahar ah la siin shaqalaha xaruntaasi.

Madaxtooyada ayaa lagu eedaynayaa in ay doonayso in ay madbacada u gacan galiso mid ka mid ah shirkaddaha wax daabaca oo hunguri wayni kaga jiro dhulka, qalabka iyo qarashka faraha badan ee laga helayo daabacaaadaha kala duwan ee ay qaban jirtay madbacadan la fadhiidiyay.

La soco waxii xogo ah ee dambe

Source Hangool News