Bahal Caydhin Ma Daayo, Ninna Caaddii Ma Baajo!! Anis M Ismail

Waxa Rasaas aan loo miidaan Dayin lagu furay Sadex Nin oo dhalin yaro ah oo gaadhi wata rabayna Waxa Rasaas aan loo miidaan Dayin lagu furay Sadex Nin oo dhalin yaro ah oo gaadhi wata rabayna in ay Dhagax ka gurtaan meel u dhaw Degmada OOG .

Dhalin yaradan oo u soo anbabaxday  in ay shaqo tagaan si ay  Quutal daruuriga u raadsadaan. Balse aanay Burkaba BAHAL ka filin ileyn waa tii Nabada la yidhi waa la xidhay oo waa la is dhaarsadaye.

Illahayse ka ma dhigin oo wadkoodii muu galin walow aanay Dablaydii Biicide u dhigan wax teelo ah hadana Illahay waa ka badbaadshay oo Qudhi  kuma bixin ,inkastoo gaadhigii ay wateen rasaastii wax yeelo

soo gasdhsiisay oo uu fadhiistay.Waxa mar kale sidii caadadu ahay la jabiyay Heshiis Dhamaan Reer Somaliland  Ergooyin ka socdaa isugu tageen oo ka koobnaa Culimo, Madax dhaqameed leh Salaadiin, Garaado ,Cuqaal,Boqoro, iyo Wax garad Iyo weliba Maamulka Muuse biixi Wasiiro ka tirsan oo uu ka mid yahay Maxamed Kaahin oo Loo tuhun sanyahay in uu ka yahay qayb nabada xidhmi l’a ee soo noq-noqotay

Waxa la yidhi waxa la soo

af-jaray Heshiis aan Cidii khaladka lahayd la sarin, taas oo dhalisay in markii Todobaad   ama Sideedaad  in Cidii jabin jirtay Dhaarta iyo heshiiska ay soo rogaal celiyaan iyagoo mar kale Dhaartii iyo Heshiiskiiba hadana jebiyay !!! Taas oo uu  arin koodu u muuqdo .

• GARDARO GARAB OG  •

Waxa hadaba Dadka Caqliga u saaxiibka ahi la yaaban yihiin waxa kalifaya in mar walba dhinac jebiyo Dhaarta iyo Heshiiska, iyo sababta Ergadu aanay Marnaba xaqiiqda iyo Runta  u sheegahayn oo aanay cida ama Dadka iyo Beesha ka baxaysa Wacadka aan loogu fulinahaynin sharciga iyo shareecada Islaamka toona  !!iyana waa Cibaaro kale oo bulshada Somaliland ay is waydiinayso oo ay  la’dahayna wax ka jaahil saara, Daalinimada intan leeg iyo Badheedhkan gaadmada ah ee soo noqnoqonaya iyo sida aanay Dawladii hore ee Silanyo iyo Tan joogta midina aanu wax shido ah u arkayn ee aanay Xilba isaga saarayn.

Waxa hadaba isweydiin leh oo Shacabka Somaliland ka dhursugayaan :

• Bal waxa imika laga yeelo.

• In ay la mid noqoto kuwii hore oo Milil dushii la dhayo iyo in kale

• In Talabo laga qaado Dadkii gafka iyo hagardamada geystay iyo in kale.

• Dhaartii hadana waa la jabiyeye

Waxa laga yeelayo.

• Ergadii dhex-dhexaad ka ahayd Doorkay ka ciyarayaan iyo waxa ay ka yeelayaan.

• Beeshii Wacadka ka baxday waxa kala gudboon iyo siday ka yeelayaan.

Arimahaa iyo qaar kale oo fara badaniba waxaa laga filayaa sidii laga yeeli lahaa.

Dhamaana Beeshii dhibtu soo gaadhay waxay  Shacabka iyo Bulshada Reer Somaliland uga fadhiyaan halka arinkan soo cusboonaaday layska taago iyo sida loo galayaba.

• HA GARGARIN DULMI

• HANA SAMAYN DULMI

• HANA QAADAN DULMI

Allah Mahad leh

Anis M Ismail.