Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Barnaamijka Xog-Tibaax-Qorshaha Xukuumadda ee Xeerka Saxaafadda iyo Xaaladda Warbaahinta Somaliland ee Hadda.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa ka warramay halka uu marayo Mashruuca wax ka beddelka iyo kaabista loogu samaynayo Xeerka ansaxa ah ee Saxaafadda Somaliland, kaas oo dhawaanahanba ay SOLJA iyo Wasaaradda Warfaafinta oo Ururrada Bulshada iyo Aqoonyahanno Shuruucda ku xeel-dheer kaashanayaa wadeen, Saxaafadda qaarkeedna walaac ka muujiyeen xilligan.

Arrinkaas Xeerka, Qorshaha Xukuumadda ee laga cabsida qabo, halka uu hadda marayo, Doorka iyo Difaaca SOLJA, khilaafkii u dambeeyey ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo Warbaahinta qaarkeed oo wada-shaqayntii ay la lahaayeen Madaxtooyada joojiyey halkuu marayo, wadahadal Xukuumadda iyo dhinacyo Saxaafadda ka mid ah dhex-maray, doorka SOLJA ku leedahay xalka khilaafkaas iyo guud ahaan Xaaladda Saxaafadda Somaliland wakhtigan ku sugantay-ba waxa uu kaga warramay Barnaamijka Xog-tibaax oo ka baxa SOMNEWSTV, kaas oo uu soo saaro Weriye Cabdifataax Ismaaciil Mursal.

Halkan hoose ka daawo Barnaamijkaas oo uu su’aalo door ah kaga jawaabay Guddoomiyaha URURKA SOLJA.

 

 

%d bloggers like this: