Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Breaking News-Guddoomiyahii Baarlamaanka Dowlad Degaanka Soomaalida Itoobiya iyo mas’uul kale oo is-casilay

Addis Ababa(GNN):-Maxamed Rashiid Isaaq oo ahaa, Afhayeenkii Baarlamaanka ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wuxuu iska casilay xilkii hayey, sida laga soo xigtay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Khadar Cabdi Ismaaciil oo ahaa Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya uu isana ka tegay shaqadda.

Ma cadda sababta ay Jagooyinkooda uga tageen, balse, waxay kusoo beegmaysaa xili siyaasadda degaanka Soomaalida Itoobiya ay ka jirto isbedalo waa wayn oo hogaanka maamulka ku dhacay.

Labadaan masuul oo kamid ahaa Sharci-dejiyaasha ugu muhiimsan gobolka ayaa waxay ka tirsan yihiin Xisibiga taladda haya ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ee loosoo gaabiyo magaciisa ESPDP.

Arrimahaan ayaa waxay kusoo beegmaya xili kulamo looga arrinsayo mustaqbalka gobolka ay ka soconayaa Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo xubno badan ay joogaan.

Cabdi Cumar Maxamed oo ahaa Hogaamiyaha Xisbiga taladda haya ee DDSI, iyo Madaxwaynaha ayaa is-casilay, waxaana loo doortay madaxa Xisbiga Axmed Shide oo ahaa Wasiirkii Warfaafinta ee dowlada Federaalka Itoobiya.

Axmed Cabdi Maxamed [Ilka Case] ayaa loo xushay inuu noqdo Madaxwaynaha dowlad degaanka kadib is-casilaadda Cabdi Illey, waxaana uu horey usoo ahaa Ilka Case Wasiirka Maaliyada gobolka.

Ilka Case iyo Axmed Shide ayaa waxaa la fahansan yahay inay xulufo dhow la yihiin Cabdi Ille. Waxaa la filayaa in doorasho ka dhaco maamulkaas dhowaan.

Is-casilaada Afhayeenka Baarlamaanka ee dowlad degaanka iyo Hogaamiyaha Gollaha Dhexe ee gobolka ayaa waxay wali yihiin kuwa boosaskooda uu banaan yahay, inkasta oo dhowaan la filayo in la xusho dadkii lagu bedali lahaa.

%d bloggers like this: