Breaking News-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyihii Gudida Baadhista Naasir Cali Shire.

Breaking News-Wararka hada soo gaadhaya xafiiska warqabadka Shabakada Wararka ee GNN ayaa waxa ay sheegayaan in xilkii laga qaaday gudoomiyihii gudida dabagalka iyo ilaalinta hantida qaranka ee golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire.

Warqad ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa lagu sheegay xilka qaadista Xildhibaan Naasir Cali Shire.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Gudoomiyiha xilka laga qaaday uu soo bandhigay warbixin musuq maasuq oo uu ku eedeeyay inay ku kaceen qaar ka mid ah Wasiiriidii hore ee Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo iyo Shirkado dalka laga leeyahay,Kuwaas oo qaar ka mid ah eedahaas uu raali gelin ka bixiyay gudoomiyaha golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax.

Si rasmi ah looma cadayn cida bedelaysa gudoomiyaha xilka laga qaaday laakiin wararka aanu helayno ayaa tibaaxaya in xilkaas loo magacaabay Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa.

La Soco Wararka kasoo Kordha.