Breaking News-Hantidhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland Oo Sheegay Inaanu Jirin Qoraal Rasmiya Oo Uga Yimid Gudida Ilaalinta Hantida Qaranka Golaha Wakiilada.

Hargeisa(GNN):-Hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Dirir Ayaa Sheegay Inaanu jirin Wax Qoraal Rasmiya Oo uga Yimid Gudida Ilaalinta iyo Dahabgalka Hantida Qaranka Somaliland ee Golaha wakiilada Somaliland Waxaanu Hantidhawraha guud Sheegay inuu jiro Wada Shaqeyn toosa oo ka Dhaxaysa Haayada Hantidhawrka Guud ee Qaranka iyo Gudida Golaha Wakiilada Somaliland u Qaabilsan Dhinta Ilaalinta hantida Qaranka,

Waxaanu hantidhawraha Guud ee Qaranka Somaliland ugu baaqay In Muranka Ka Dhexeeya Dhinaca Shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha wakiiladu ku Dhammaystaan si Qurux Badan islamarkaana Laysla Fahmo wixii ku Qotoma Ilaalinta Hantida Qaranka.

Warkan Oo Faahfaahsan Ka Daawo Halkan hoose hantidhawraha guud ee Qaranka Somaliland Oo Arrimahan iyo Kuwo Kale Ka hadlay.