Ciidamada Liyuu Booliiska Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa ka baxay Xero ay ku laahayeen Magaaladda Baligubadle ee dhinaca Ethiopia.

Marka laga yimaado Baabuurta ay kaxaysteen ma jirto dhibaato kale oo ay dadka u geysteen, hasayeeshee waxa aanay iminka cidi ku sugnayn Xeradii ay ka deganaayeen Magaaladda Baligubadle.Ciidamadan ayaa sida ay dadka Deegaanku u xaqiijiyeen Shabakada wararka Ee Hadhwanaagnews waxa ay u jihaysteen dhinaca Shiilaabo iyaga oo dhexda ka sii kaxaystay Shan Baabuur oo ku soo jeeday Dhinaca Somaliland.

Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaaladda Wajaale ayaa sheegaya in isla ciidamada Liyuu Booliisku ay faaruqiyeen Laba Xero oo ay ku lahaayeen

 


Degmada Wajaale.

waxa ay wajaale ka kaxaysteen Ciidamadani sida ay dad goob joogeyaal ahi warbaahinta u sheegeen laba Baabuur oo ay Degmadu lahayd.

Ma jirto faahfaahin ka soo baxaysa sababta ay ciidamadaasi uga baxeen xeryahoodii, hasayeeshee xiisada ayaa baryahanba ahayd mid kacsan, maadama xilkii laga tuuray Madaxweynihii hore ee Deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar.