Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Daawo-Qaar Kamida Shacabka Magaalada Gabiley Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay Inaaney Dhicin Inuu Xadhiga Ka Jaro Mashaariico Dawladii Ka Horeysay Hore uga Jartay.

Gabiley(GNN):-Qaar Kamida Shacabka Kunool Magaalada gabiley oo la hadlay Warbaahinta Ayaa Sheegay in madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Safar ugu baxay gobolada Galbeedka gaar ahaan Magaalada Borama Uu Doonayo inuu Dib ugu Soo Noqodo Magaalada Gabiley Halkaas Oo Sida Ay Sheegeen Qaar Kamida Siyaasiyiintan iyo Dhalinyarta gobolka Gabiley Madaxweynaha ugu baaqeeyn Inaaney Sawiro Kula Galin Masuuliyiinta Ku magaacaban Degmada Gabiley Barnaamiyo Indho Sarcaada Oo Ay Doonayaan In Bulshada Indhaheeda lagu Jeediyo Iyadoo mashaariicahaasi badankooda Ay Kamid Ahaayeen waxqabadkii Xukuumadii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Qaarkood Xadhiga Ka Jaray.

Halkan Ka Daawo Baaqa Qaar kamida  Dhalinyarta iyo Siyaasiyiinta Gobolka Gabiley oo Amuurahaasi ka Dhawaajiyey.

%d bloggers like this: