Digniin Laga Soo saaray Weeraro Culus oo ku Wajahan Ceelasha Shidaalka Dhulka DDSI

Addis Ababa (GNN)-Dowladda Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageyso weerar lagu qaado goobaha laga helay shidaalka ee Gobolka Soomaalida.

Dowlada ayaa tilmaantay in ciidamo aad u xoogan ay geyn doonto Gobolka Shilaabo ee dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia halkaas oo dhawaan laga helay ceelal shidaal.

Ciidamo hordhac u ah kuwa la geyn doono Goobaha laga helay Shidaalka ayaa iminka ka baxay Magaalada Jigjiga kuwaa oo kusii jeeda Gobolka Shilaabo.

Ciidamadan ayaa wata Hubka noocyadooda kala duwan iyo Gaadiid dagaal, waxa ayna xogtu tibaaxeysaa in cabsi laga qabo weerar ka imaankara ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee maamulka Soomaalida Cabdi Cumar.

Ciidamada ayaa xeryo ka sameystay Gobolka,halkaas oo ay ka waardiyeyn doonaan amniga Ceelasha iyo shaqaalaha.

Saraakiil ka tirsan Liyuu Booliska oo daacad u ah Madaxweynihii hore ee dowlad Degaanka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa la sheegayaa in ay weeraro jabhadeyn ah gobolka ka billaabayaan iyada oo laga baqayo in ay weeraraan Ceelasha shidalka sida uu qoray wargeyska Ezega.

Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Liyuu Boolis ay ku maqan yihiin gadood kuwaa oo daacad u ahaa  Cabdi Maxamuud  Cumar oo xiligaani u xidhan dowlada Ethiopia.