Israel oo Weeraro Dhinaca Ku Qaaday Qassa iyo Khasaaraha Kala Duwan ee Ka Dhashay.

Israel ayaa duqayn cirka ah ku qaadday Gaza, halka maleeshiyada Falastiiniyiinta ahna ay duqeyn ka gaysteen dhulka Israa’iiliyiinta, iyadoo ergeyga Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe uu ka digtay khatarta ugu dambeeysay ee rabshadaha u dhexeeya labada dhinac.

Milatariga Israel ayaa sheegay in diyaaradaheeda dagaalka ay bartilmaameedsanayaan tababarka, hubka iyo goobaha kaydka ee kooxda Xamas iyagoo ka jawaabaya gantaalada laga soo tuuray Gaza habeenkii oo dhan. Waxay sheegtay in Xamas “ay mas’uul ka tahay oo ay qaadayso cawaaqibta dhacdooyinka socda.”

Saraakiisha Falastiiniyiinta ayaa sheegay in weerarrada Israa’iiliyiinta ay ku dhinteen 3 qof oo ay ku jiraan hal maleeshiyo oo Xamaas ka tirsan, hooyo iyo ilmaheeda.

Dhakhaatiirta Israel ayaa sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen in ka badan 80 gantaal oo lagu riday galninkii dambe ee maalintiii Arbacada.

Iskuduwaha gaarka ah ee Q.M. ee hannaanka Nabadda Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa sheegay in haddii rabshadaha hadda taagan ee sii darsnaya aan si deg-deg ah loo xallin, ay si dhaqsiinyo leh uga sii dari karaan “cawaaqib xuna ay ku reebi karaan dadka oo dhan.”