Jiif Caaqil Waxaad Hawlihii Dhaqanka Kagaga Mashquushay Arrimo Siyaasadeed iyo Danno Aan laguu Idman..W/Q:-Aqonyahan Ali Jaamac

Chief Caaqil Xasan Shaqalle Maxamed oo ka mid ah cuqaasha gobolka Saaxil,gaar ahaan Chief caaqilka beelwaynta Reer-Wacays ayaa muddooyinkii u danbeeyay ay bulshada uu caaqilka u yahay si wayn uga cabanayeen,iyagoo ku eedeeyay in aanu kasoo bixin hawshii ay beeshu u dooratay islamarkaana uu kaga mashquulay dano gaar ah,taasina ay keentay inay dayacmaan hawlihii loogu talo-galay inu caaqilku wax ka qabto,waxaana meesha ka baxday inay qabsoomaan hawlo tiro badan oo ay ahayd inu caaqilku dhamaystiro,waxa kale oo uu caaqil Xasan Shaqalle ku fashilmay inu guto waajibaadkii cuslaa ee beeshu u caleemo saartay islamarkaana la rabay inu si joogto ah uga shaqeeyo danaha reerka,isuna soo dhaweeyo oo uu wanaag ka dhexdhaliyo qaybaha kala duwan ee beeshiisa iyo sidoo kale beelaha kale ee Oodwadaagta la ah,balse tan iyo markii la caleemo saaray Chief Caaqil Xasan Shaqalle waxa isa soo tarayay kala qaybsanaanta beesha dhexdeeda iyo dayac baaxad leh oo ku yimi habsami u socodkii iyo la tacaamulkii bulshada ay wada-degaan beesha Reer-Wacays,waxa habayaraatee aanu caaqilku iska xilsaarin soo ururinta iyo bixinta magihii beeshu ka rabtay beelaha kale iyo sidoo kale qaadhaankii iyo magihii kala duwanaa ee beesha lagu lahaa,waxaanay arrintaas oo ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee la rabo inu ka shaqeeyo caaqilku amaba ay tahay hawsha loo igmaday.

Chiefku waxa uu si buuxda u dayacay hawsha baaxadda leh ee uu uga masuulka yahay beesha uu caaqilka u yahay,waxaanu taas bedelkeeda ka doorbiday inu dano khaas ah uga faa’idaysto una adeegsado cumaamadii iyo masuuliyaddii dhaqan ee beeshiisu ku maamuustay,islamarkaana ay beeshu doonaysay inu kor usii qaado siina wanaajiyo xidhiidhka ka dhexeeya beesha iyo beelaha kale,halkiina uu ka sii wado hawshii adkayd iyo caaqilnimadii uu Alle ha u naxariistee Aabihii Caaqil Shaqalle Maxamed hore ugu hayay reerka,balse caaqil Xasan waxa uu ku sifoobay waxqabad la’aan waxaanu horseed u noqday inu kala qaybiyo bulshadii isku xidhnayd ee uu caaqilka u noqday,waxaanu masuuliyadii lagu maamuusay ka dhigtay mid uu isagu leeyahay oo aanay cidina kala xisaabtami Karin,waxa kale oo uu ku sifoobay eex iyo inu masuuliyadda uu hayo ugu adeego cidii uu u arko inay isaga dani ugu jirto,waxaanay arrintaasi abuurtay in dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee beel-waynta reer Wacays ku tashadaan inay kala noqdaan kalsoonidii ay hore u siiyeen.

Chief Caaqil Xasan Shaqalle Maxamed oo muddo ku dhaw toban sanadood ahaa chief caaqilka Reer Wacays ee degta gobolada Saaxil,Togdheer,Iyo M/Jeex, ayaan habayaraatee ka soo bixin xilkii caaqilinimo ee loo doortay,waxaanay arrintani dib u xasuusisay bulshada kaalintii miisaanka lahayd ee uu Alle ha u naxariistee Aabihii chief caaqil Shaqalle ugu jiray bulshada iyo waxqabadkii joogtada ahaa ee uu reerka u hayay. Chief caaqil Xasan oo ah nin dhalinyaro ah loona baahnaa inu wakhti kooban ku dhamaystiro kuna xalliyo waxkasta oo u baahan in wax laga qabto ayaa intii uu ahaa chief caaqilka ku guul darraystay,islamarkaana aan beesha uu caaqilka u yahay u qaban wax la taaban karo.

Caaqil Xasan Shaqalle oo inta badan degen magaalada Berbera ayaa hawshii loo igmaday kaga mashquulay raali gelinta naftiisa iyo inu wakhtiga intiisa badan ku qaato qayilaad iyo fadhiga makhaayad ay isugu yimaadaan dadka dhalinyarada ah ee badi ka dhacay nolosha oo ku taalla magaalada Berbera lana yidhaahdo ISLII,waxaanay arrintaasi meel ka dhac ku tahay milgaha caaqilnimo iyo odaytinimo ee beeshu u dooratay chief caaqilka,sidoo kale waxa uu dayacay inu ka warhayo dadka uu caaqilka u yahay ee ku nool gobolada kala duwan ee dalka,waxaanu inta badan ciddii hawl uga baahata ku xidhaa lacag iyo kharashaad uu ku hawl-galo,taas oo ka baxsan meeqaamka iyo sharafta cuqaasha.

Gabagabadii dhalinyarada reerka oo ku kala nool meelo kala duwan oo dalka iyo dibadiisaba ah ayaa qorshaynaya inay kalsoonida kala noqdaan chief Caaqil Xasan Shaqalle maadaama uu si xilkasnimo leh u gudan waayay hawshii beeshu u dooratay,waxa kala oo iyana la qorshaynayaa cidii lagu bedeli lahaa caaqilka dhalinyarada ah ee isagoo bulshadiisa aan wax u qaban hawl-gabka noqday.

W/Q:-Aqonyahan Ali Jaamac

Washinton Dc
Ali110@gmail.com