Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Kulan Dhex Maray Faysal Cali Waraabe Iyo Qalbi Dhagax + Maxay Ka Wada Hadleen

Nairobi (GNN):- Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya

waxa kulan gaar ah ku yeeshay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdikariim Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo kamid ah jabhadda ONLF. Kullankani ayaa la sheegay in Faysal Cali Waraabe iyo Qalbi-dhagax in ay arrimo badan kaga wada hadleen.

 

Sawirraan lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya Faysal Cali Waraabe iyo Qalbi-dhagax oo sawir ku wada jira.

Faahfaahin dheeriya lagama helin arrimaha ay ka wada hadleen Faysal iyo Qalbi-dhagax.

Waxa xusid mudan in guddoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland Ucid Eng. Fayasal Cali Waraabe uu bishii la soo dhaafay ku dhawaaqay in Hargeysa lagu casuumi doono Cabdikariim Qalbi-dhagax oo dhawaan laga soo dayay xabsi guri ku yaalla Itoobiya kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya iyada oo ku eeday argagixiso iyo in aanu ahayn nin dhallasho Soomaali ah sitta.

%d bloggers like this: