Madaxweyne Muuse Biixi Maku Dhiiran Doonnaa Inuu Soo Celiyo Dugsigii Women’s Club-ka Ee Ay Hore Ula La Wareegtay Xaaskii Madaxweyne Siilaanyo? Faallo.

Tan iyo markii ay soo baxday Wareegtooyinkii lagu diirsaday ee uu Madaxweyne Muuse Biixi Gacanta Dawladda ku soo celiyay goobo mihiim ah oo dakhli badani qaranka uga soo xeroon jiray oo ay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo dad gaar ah ku naasnuujisay ayaa waxa ay haween weynaha reer Hargeysa si weyn u naawilayaan inuu Madaxweynuhu u soo dhiciyo goobtii ugu mihiimsanayd ee ay hooyooyinka reer Hargeysa wax ku baran jireen ee Women’s Club-ka oo ay Hantida Qoyskooda ku darsatay Xaaska Siilaanyo.

Inta badan bulshada Somaliland gaar ahaan haweenka reer Hargeysa ee sida gaarka ah ula socda talaabooyinka wax ku oolka ah ee lagu qabawsaday ee uu Madaxweyne Muuse Biixi todobadkii u dambeeyay qaaday ee ku saabsanayd soo celinta haamihii keydka Shidaalka Berbera iyo shirkaddihii yar yaraa ee ka dhex shaqaynayay Garoonka Diyaaraha Hargeysa ee uu Gacanta Dawladda ku soo celiyay ayaa waxa ay sidoo kale su’aal iska waydiinayaan oo ay aad u danaynayaan inuu Madxweynuhu Wareegtooyinkiisan dambe ku soo dari doono inuu ka soo celiyo Qoyskii Madaxweyne Siilaanyo gaar ahaan Xaaskiisa gurigii waxbarashada Durmarka ama Hooyooyinka Reer Hargeysa ee Women’s Clubka,kaasi oo ay ku darsatay hantiteeda gaarka ah, kuna darsato huteel ay hore u lahaayeen. Dumar badan oo Wargeyska Foore la soo xidhiidhay ayaa sheegay inay aad u rajaynayaan inuu Madaxweyne Muuse Biixi Dugsigaasi soo celiyo.
Women’s Club-ku waxa uu ka mid ahaa goobaha ugu mihiimsan ee sida wayn uga qayb qaadan jiray horumarinta Dumarka waa weyn ee Xaas walwaalka ah,waxaanu gaar u ahaa dhinaca kobcinta ama kor u qaadista waxbarashada Hooyadda. Wakhtigan lala wareegay waxa galin hore ku jiri jiray Dugsiga dhaqaalaha Qoyska,kaasi oo dumarka lagu bari jiray tashliilida Dhaqaalaha Qoyska, Cuno karinta iyo kor u qaadista dhismaha Qoyska,kaasi oo bilaash ahaa ama lacag la’aan lagu bari jiray oo aan wax lacag ah la waydiin jirin hooyooyinka islamarkaana waxa ku kulmi jiray dumar aad u badan oo ka soo waxbarasho tagi jiray daafaha Magaalada Hargeysa. Waxa sidoo kale dumarka Hooyooyinka ah la bari jiray Xirfada dhar tulista,kaasi oo u suurtagalin jiray Hooyaddu inay si fiican u barato qaabka maakiinadda dharka loogu talo waliba sida ugu qurux badan.

Dhinaca kale waxa galin kambe Dugsigan hooyooyinka lagu bari jiray Waxbarashada Aasaasiga ah sida Barashada Qorisga Farta Soomaaliga,Luuqadda Ingiriisida, Luuqadda Carabida,Xisaabta iyo Cilmiyo kale oo Mihiim ah oo loogu talo galay Dadka waa weyn ee waxbarashadii carruurnimaddii seegtay,waxaana sanad walba ka aflixi jiray dumar Boqolaal kor u dhaafaya, waxaanu dugsigaasi ku shaqayn jiray hab taba rucaad ah.
Sanadkii u dambeeyay Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo ayay dugsigaasi xoog kula wareegtay Xaaska Madaxweynihii hore Aamina-Waris Sheekh Maxamuud Jirde iyadoo markii hore baarkin uga dhigtay Huteel ay qoyskoodu lahaayeen oo la yidhaa Cali Jirde oo dhinaca ku hayay Dugsigaasi, islamarkaana baabiisay dhamaan dhismayaashii iyo Maqsinadii Wax lagu baranayay ee Dugsigaasi ka koobnaa, waxaanu imika ka mid yahay hutaalkaasi iyadoo qaybo ka mid ah lagu soo fidiyay dhismaha Huteelka inta kalena baarkinka huteelka looga dhigay. Waxa ay Hooyooyinkii Dugsigaasi ee Reer Hargeysa aad u hadal hayaan in Dugsigaasi ku soo noqdo gacanta dawladda iyagoo mihiim u arka in dib loogu yagleelo dumarka Reer Hargeysa.

Source Hangoolnews.