Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Nin UK U Dhashay Oo Dubai Ugu Xanniban 46,000 Oo Ganaax Ah + Danbiga Uu Sameeyey

London (GNN):- Qoyska nin Britain u dhashay oo

dalxiise ahaa ayaa sheegay wiilkoodu lagu qasbay in uu Dubai sii jooga ka dib markii xawaaraha gaadhi uu waday awgeed loogu ganaaxay 46,000 oo doolarka Maraykanka ah.

Faarax Xaashi

 

Faarax Xaashi oo 25 jir ah ayaan awoodin in uu iska bixiyo ganaaxaas, sida uu walaalkii sheegay.

Qolada uu Xaashi ka kiraystay gaariga Lamborghini Huracán ayaa wargeyska The National u sheegay in ay ka sii hayeen baasaboorkiisa.

Balse walaalkii Adman oo 50 jir ah ayaa sheegay in baasaboorkiisa laga qaaday ka dib markii uu waday gaarigan 155,000 ee gini la siiyo.

Xaashi ayaa la sheegay in uu jabiyay xeerkii xawaaraha ee u dajisnaa mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan Dubai, isga oo waliba tobannaan jeer khaladkaas ku celceliyay saacadihii hore ee Talaadadii.

Wuxuu jabiyay xeerkii xawaaraha ee waddada Sheikh Zayed Road isaga oo gaariga ku kaxeeyay 240km saacaddii.

Adman Xaashi ayaa sheegay “in ay huteelka ugu yimaadeen ayna waydiisteen baasaboorkiisa ka dib markii uu u soo dhacay tikitka ganaaxa, uuna sidaa ku bixiyay baasaboorkiisa isaga oo cabsanaya.

“Hadda waxay leeyihiin waxaa waajib ah in uu bixiyo 40,000 oo giniga istarlinka ah waana arrin qaab daran. Ma haysto lacagtaas. Shaqo la’aan ayuu ahaa, Dubai wuxuu ku booqday saaxiibbadii.

Wuxuu sheegay in walaalkii uu lacag amaahday si uu uga bixiyo maalmaha dheeraadka ah ee uu huteelka dagan yahay, qoyskiisuna aysan ogayn inta uu halkaas sii joogi doono.

%d bloggers like this: